• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
12 months ago
Reading Time: 3 mins read
Kadib dilkii argagaxa
Share

Dhuusamareeb –Kadib dilkii argagaxa Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay laba ka mid ah saddex eedeysane oo lagu tuhunsan yahay in deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud ku dileen hooyo iyo saddex carruur ah oo ay dhashay.

Howlgalka oo socday ku dhowaad 24 saacadood ayaa la sheegay inuu si gaar ah loogu beegsaday rag looga shakisan yahay falkaasi argagaxa leh. Saraakiisha hoggaamineysa hawlgalkan ayaa sheegay in ciidamada ay heleen xog muhiim ah oo horseeday qabashada eedeysanayaasha, iyagoo sheegay in dad deegaanka ahi ay kaalin weyn ka qaateen soo gudbinta macluumaad sirdoon ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada ay weli ku raad joogaan eedeysane saddexaad oo la rumeysan yahay inuu si toos ah uga qeyb qaatay dilka, waxaana la filayaa in saacadaha ama maalmaha soo socda gacanta lagu soo dhigo.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa habeen hore ka dhacday qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud, waxaana si arxan darro ah loo dilay hooyo Sahro Cartan Xirsi iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, kuwaas oo kala ahaa Nuurto Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed Maxamuud iyo Faa’iso Axmed Maxamuud. Qof kale oo qoyska la joogay ayaa dhaawac soo gaaray.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in hooyada iyo carruurteeda ay hurdayeen xilligii ay weerarka ku dhaceen, waxaana maleeshiyaadka hubeysan ay rasaas kaga fureen gudaha guriga, iyagoo madaxa ka wada toogtay.

Warar horudhac ah ayaa tilmaamaya in falka uu salka ku hayo aano qabiil oo muddooyinkii dambe xiisad ka taagneyd deegaanno ka tirsan Galgaduud. Gobolka ayaa muddooyinkii dambe ku soo batay dilalka qorsheysan ee qabiilka la xiriira, kuwaas oo bulshada cabsi xooggan ku reebay.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii deegaanka Raxan-reeble ee isla gobolkaasi lagu dilay nin shacab ah, halka dhawaan degmada Gaalkacyo loogu dilay Dr. Cumar Cabdi Daahir (Surweyn), oo ka mid ahaa dhaqaatiirta da’da yar. Waxa uu noqday dhakhtarkii labaad ee sanad gudihiis loogu dilo aano qabiil, kadib markii hore isla Gaalkacyo loogu dhex toogtay Dr. Sakariye Cabdi Jaamac xaruntiisa caafimaad.

Falalka noocan oo kale ah ayaa sii kordhaya gobollada dhexe, waxaana shacabka deegaanka ay ku tilmaameen khatar weyn oo caqabad ku noqotay nabadda iyo xasilloonida bulshada.

Lasoco wararki ugu danbeeyey si toos ah live somalia?


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.