• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia
Trending

Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?

Wararka24 News Desk by Wararka24 News Desk
12 months ago
Reading Time: 2 mins read
Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?
Share

Muqdisho (Wararka24)– Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in caawa burbur ku soo dhammaadeen wadahadalladii u dhexeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Kulanka oo ka dhacay Kismaayo ayaa socday in ka badan afar saacadood, balse lagu kala kacay iyadoo aan wax is-afgarad ah laga gaarin qodobadii la isku hayay.

Ilo ku dhow wadaxaajoodyada ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Axmed Madoobe ku wargeliyay in dib loogu laaban doono doorashadiisii, islamarkaana Jubbaland ay sido kale u diyaar garowdo doorasho qof iyo cod ah oo laga qabto deegaannada maamulkaasi.

Axmed Madoobe oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku soo dhaweyey kismaayo

Axmed Madoobe ayaa dhankiisa si cad u sheegay inuusan marna aqbali doonin in doorashadiisa lagu noqdo, wuxuuna ku adkeystay in dowladda federaalka ay aqbasho natiijada doorashadii hore, isla markaana laga laabto go’aankii maxkamadda Gobolka Banaadir ay hore u soo saartay ee la xiriirtay in isga lagu xiraayo.

Kulanka ayaa sidaas lagu soo afjaray, iyadoo warar hordhac ah ay tilmaamayaan in taliyeyaasha sirdoonka Kenya iyo Itoobiya oo dhexdhexaadiye ka ahaa wada-hadallada ay mar kale isku dayi doonaan inay labada dhinac ku qanciyaan wadahadal kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu safarkiisa Kismaayo si degdeg ah u soo gaabiyo, haddii aan wax isbeddel ah laga gaarin xaaladda caawa illaa berrito galinka hore. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu dib ugu laabto Muqdisho si uu ula tashado Golaha Wasiirrada ee xukuumadda Danqaran.


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.