Wararka24: 1-02-2026: Kor u kaca xasilooni-darrada ka jirta gobolka Geeska Afrika ayaa ku riixay dowladaha Mareykanka iyo Turkiga inay si muuqata u xoojiyaan awooddooda milatari ee gobolka, iyagoo qaadaya tallaabooyin cusub oo lagu xaqiijinayo danahooda istiraatiijiyadeed, gaar ahaan kuwa la xiriira Soomaaliya.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga ayaa Khamiistii shaaca ka qaaday in Ankara ay gudaha Soomaaliya gaysay diyaarado dagaal oo nooca F-16 ah. Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo Turkigu ku doonayo inuu ku ballaariyo joogitaankiisa milatari, xilli uu xiriir dhow oo iskaashi la leeyahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sarkaal Turki ah oo diiday in magaciisa la xuso ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaradahaasi si toos ah ay u maamuli doonaan ciidamada Turkiga ee ku sugan Muqdisho, isla markaana aysan jiri doonin duuliyeyaal Soomaali ah oo ka qayb qaadanaya hawlgallada. “Tani waa tallaabo lagu sugayo amnigeenna iyo danaha istiraatiijiyadeed,” ayuu yiri sarkaalku.
Turkiga ayaa tan iyo 2017 si rasmi ah uga hawlgala saldhiggiisa milatari ee TURKSOM oo ku yaalla Muqdisho, kaas oo ah saldhiggiisa ugu weyn ee dibadda. Halkaas ayuu Turkigu ka fuliyaa tababarro iyo la-talin milatari oo lagu xoojinayo awoodda ciidamada Soomaaliya ee la-dagaalanka kooxaha hubeysan ee Al-shabab.
Tallaabadan Ankara ayaa ku soo beegmeysa xilli Turkigu si adag u cambaareeyay go’aankii Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, isagoo ku tilmaamay mid faragelin qaawan ku ah madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya.
Dhanka kale, dowladda Mareykanka ayaa bilowday mashruuc cusub oo qiimihiisu gaarayo $70 milyan, kaas oo lagu ballaarinayo dhabaha diyaaradaha ee saldhigga milatari ee Manda Bay ee dalka Kenya. Saldhiggan, oo ku yaalla gobolka Lamu kana dhow xuduudda Soomaaliya, ayaa ah xarun muhiim ah oo Mareykanku u adeegsado hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Christopher Landau, ayaa sheegay in mashruucan uu dirayo farriin cad oo ku wajahan kooxaha khatarta ku ah amniga. Wuxuu xusay in saldhigga Manda Bay uu astaan u yahay iskaashiga qotada dheer ee u dhexeeya Mareykanka iyo Kenya.
Saldhiggan ayaa sanadkii 2020 waxaa weerar ku qaaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, weerarkaasi oo lagu dilay saddex muwaadin oo Mareykan ah isla markaana lagu burburiyay qalab milatari. Tan iyo xilligaas, Mareykanka ayaa si joogto ah u kordhinayay amniga iyo awoodda saldhigga.
Madaxweyne Joe Biden ayaa sanadkii 2024 shaaciyay qorshe Kenya loogu aqoonsanayo xulafada ugu weyn ee Mareykanka ee aan ka tirsanayn NATO ee Koonfurta Saxaraha Afrika, tallaabadaas oo sare u qaadaysa iskaashiga milatari ee labada dal, inkastoo uusan jirin heshiis difaac oo rasmi ah.
Landau ayaa sidoo kale ammaanay doorka Kenya ee hawlgallada caalamiga ah, gaar ahaan hoggaaminta howlgalka Qaramada Midoobay ee Haiti, halkaas oo ciidamada Kenya ay ka qayb qaadanayaan dadaallada lagu xakameynayo kooxaha burcadda ah ee dalkaasi.


















