Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Diyaaradihii siday ciidamada Jubbaland iyo Puntland oo dib loo celiyay.

1-02-2026: Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa goordhow dib u celisay diyaarado siday ciidamo hubeysan oo ay iska soo hormariyeen madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo saaka kasoo ambabaxay magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 1, 2026, 12:16 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Diyaaradihii siday ciidamada Jubbaland iyo Puntland oo dib loo celiyay.
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 1-02-2026: Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa goordhow dib u celisay diyaarado siday ciidamo hubeysan oo ay iska soo hormariyeen madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo saaka kasoo ambabaxay magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Wararka24 u xaqiijiyay in Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya la siiyay amar toos ah oo lagu joojinayo diyaarad kasta oo sida ciidamo hubeysan oo kasoo duuleysa labadaas magaalo, iyadoo tallaabadan lagu sababeeyay arrimo la xiriira amniga qaranka.

Wararka ayaa sheegaya in go’aankan uu yimid kadib markii Jubbaland iyo Puntland ay ku xadgudbeen habraacyadii amni ee horay loogu heshiiyay kulamadii guddiyada farsamada, kuwaas oo dhigayay in madaxweynada maamullada loo ogolaado tiro kooban oo ilaalo ah.

Sida ay ogaatay Wararka24, Dowladda Federaalka ayaa u ogolaatay mid kasta oo ka mid ah labada maamul in ay la yimaadaan 40 ilaa 50 askari oo ay ku jiraan ilaalo gaar ah, balse qodobkaasi ayaa la jabiyay kadib markii la soo diray ciidamo ka badan intii lagu heshiiyay, taas oo keentay in diyaaradaha dib loo celiyo.

Dhanka kale, waxaa haatan Muqdisho ka socda shir deg-deg ah oo u dhexeeya guddiyada farsamada ee Dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland iyo Puntland, si xal looga gaaro arrintan, maadaama ay saameyn ku yeelan karto geeddi-socodka wada-hadallada siyaasadeed.

Illaa iyo hadda, wax war ah kama soo bixin dhinacyada Jubbaland iyo Puntland oo ku saabsan go’aanka dowladda dhexe ee la xiriira dib u celinta ciidamadooda.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay horay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland uga gaabsadeen inay tagaan Villa Somalia, iyagoo doorbiday in wada-hadalladu ka dhacaan goob ka baxsan madaxtooyada oo la isku halleyn karo.

Si kastaba ha ahaatee, Isniinta berri ah ayaa la filayaa in si rasmi ah loo bilaabo wada-hadallada, kuwaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha doorashooyinka, dastuurka, midnimada qaranka, dagaallada ka dhanka ah argagixisada, iyo xaaladaha abaaraha.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

13 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

14 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.