• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Thursday, July 23, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Puntland iyo Jubbaland oo war culus kasoo saaray arrintii maanta ka dhacday Garoonka Muqdisho,

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
6 months ago
Reading Time: 2 mins read
Puntland iyo Jubbaland oo war culus kasoo saaray arrintii maanta ka dhacday Garoonka Muqdisho,

Wararka Ugu Aqrintabadan

Soomaaliya iyo Koonfurta Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga + sawiro

Soomaaliya iyo Koonfurta Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga + sawiro

7 hours ago
Trump oo Sheegay inuu Diyaar u Yahay Wadahadal uu la Yeesho Xisbullaah

Trump oo Sheegay inuu Diyaar u Yahay Wadahadal uu la Yeesho Xisbullaah

7 hours ago
Load More
Share

Wararka24: 1-02-2026: Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa si adag uga falceliyay tallaabadii maanta lagu celiyay ciidamadii ay u soo direen magaalada Muqdisho, kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diiday in diyaaradaha siday ciidamadaasi ay ka degaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa cambaareysay go’aankaas, waxayna ku sheegtay mid halis geliyay amniga saraakiil iyo ciidamo hordhac u ahaa safarka la filayay in Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu ku yimaado caasimadda. Puntland ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka in tallaabadan looga gol leeyahay fashilinta wada-hadallada la qorsheeyay inay u bilaabmaan Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

“Illaa waqtigii ay Dowladda Puntland iyo guud ahaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed aqbaleen ka qayb-galka gogosha ay dhigtay DFS, Madaxweynaha wuxuu qaaday tallaabooyin si cad u muujinaya ujeeddo ah in gogoshaas la fashiliyo,” ayaa lagu yiri bayaanka Puntland.

Dhankeeda, Jubbaland ayaa iyaduna sheegtay in ciidamada iyo wafdiga la socday si rasmi ah loogu wargeliyay Hay’adda Duulista Rayidka, guddiyada qaban-qaabada shirka iyo laamaha amniga ee Dowladda Federaalka, balse si lama filaan ah hawada looga celiyay, iyada oo aan la hubin in diyaaraddu haysatay shidaal ku filan oo ay dib ugu laabato Kismaayo.

“Go’aankan deg-degga ah wuxuu muujinayaa masuuliyad-darro weyn, wuxuuna halis geliyay nolosha wafdiga hordhaca ah,” ayaa lagu yiri bayaanka Jubbaland, iyadoo DFS lagu eedeeyay inay ka caga-jiidaysay qabsoomidda shirka wada-tashiga.

Share
Tags: somaliawararka mantawararka somalia
Previous Post

Sucuudiga oo taageeray midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Next Post

faylasha Epstein Oo ay somaliland ka soo dhex-muuqatay

Related Posts

Soomaaliya iyo Koonfurta Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga + sawiro

Soomaaliya iyo Koonfurta Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga + sawiro

by Amin Cali Abdi
7 hours ago

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xarunta wasaaradda kulan...

Trump oo Sheegay inuu Diyaar u Yahay Wadahadal uu la Yeesho Xisbullaah

Trump oo Sheegay inuu Diyaar u Yahay Wadahadal uu la Yeesho Xisbullaah

by Yasmin Jamal
7 hours ago

Wararka24: Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu wadahadal la yeesho ururka Xisbullaah haddii...

Culimada Soomaaliyeed oo Ku Baaqay Wada Hadal u Dhexeeya Somaliland iyo Waqooyi Bari

Culimada Soomaaliyeed oo Ku Baaqay Wada Hadal u Dhexeeya Somaliland iyo Waqooyi Bari

by Yasmin Jamal
8 hours ago

Wararka24: Wafdi culimo Soomaaliyeed ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa ugu...

Xiisad ka Taagan Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud oo Sababtay Dhimasho iyo Dhaawac

Xiisad ka Taagan Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud oo Sababtay Dhimasho iyo Dhaawac

by Yasmin Jamal
8 hours ago

Wararka24: Ugu yaraan laba qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmeen kaddib rasaas...

Abwaan Aadan Tarabi Jaamac oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa

Abwaan Aadan Tarabi Jaamac oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa

by Yasmin Jamal
10 hours ago

Alle ha u naxariistee, Abwaan Aadan Tarabi Jaamac, oo ka mid ahaa hal-abuurkii ugu magaca dheeraa suugaanta Soomaaliyeed,...

Dalalka Midowga Afrika oo ka digay in howlgalka AUSSOM uusan sii socon karin xili walba

Dalalka Midowga Afrika oo ka digay in howlgalka AUSSOM uusan sii socon karin xili walba

by Yasmin Jamal
10 hours ago

Wararka24: Qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ayaa sheegay in Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta...

Load More
Next Post
faylasha Epstein Oo ay somaliland ka soo dhex-muuqatay

faylasha Epstein Oo ay somaliland ka soo dhex-muuqatay

Axmed Madoobe oo sii daayay Senator Ilyaas Gaboose.

Axmed Madoobe oo sii daayay Senator Ilyaas Gaboose.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Recommended

Sanbaloolshe oo ka hadlay caqabadaha DF ee dagaalka Al-Shabaab

Sanbaloolshe oo ka hadlay caqabadaha DF ee dagaalka Al-Shabaab

3 months ago
Washington post

Washington Post oo Ka Hadashay Qorshaha Trump ee Soomaaliya

1 year ago
Golaha Mustaqbalka oo soo jeediyay hindise cusub oo doorasho qof iyo cod ah

Golaha Mustaqbalka oo soo jeediyay hindise cusub oo doorasho qof iyo cod ah

1 week ago
Cali Guudlaawe iyo Muungaab oo Muqdisho ku yeeshay kulan xasaasi ah

Cali Guudlaawe iyo Muungaab oo Muqdisho ku yeeshay kulan xasaasi ah

4 months ago
Sacuudiga oo dil toogasho ah ku fuliyay saddex muwaadin oo Soomaali ah + Magacyada

Sacuudiga oo dil toogasho ah ku fuliyay saddex muwaadin oo Soomaali ah + Magacyada

3 weeks ago
Mahad Salaad

Mahad Salaad oo Mar Kale Loo Magacaabay Agaasimaha NISA

1 year ago
Muuse Biixi oo Somaliland uga digay isbeddellada siyaasadeed ee gobolka

Muuse Biixi oo Somaliland uga digay isbeddellada siyaasadeed ee gobolka

4 weeks ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.