Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Puntland iyo Jubbaland oo war culus kasoo saaray arrintii maanta ka dhacday Garoonka Muqdisho,

1-02-2026: Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa si adag uga falceliyay tallaabadii maanta lagu celiyay ciidamadii ay u soo direen magaalada Muqdisho, kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diiday in diyaaradaha siday ciidamadaasi ay ka degaan Garoonka Diyaaradaha Aadan…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 1, 2026, 1:12 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Puntland iyo Jubbaland oo war culus kasoo saaray arrintii maanta ka dhacday Garoonka Muqdisho,
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 1-02-2026: Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa si adag uga falceliyay tallaabadii maanta lagu celiyay ciidamadii ay u soo direen magaalada Muqdisho, kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diiday in diyaaradaha siday ciidamadaasi ay ka degaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa cambaareysay go’aankaas, waxayna ku sheegtay mid halis geliyay amniga saraakiil iyo ciidamo hordhac u ahaa safarka la filayay in Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu ku yimaado caasimadda. Puntland ayaa ku eedeysay Dowladda Federaalka in tallaabadan looga gol leeyahay fashilinta wada-hadallada la qorsheeyay inay u bilaabmaan Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

“Illaa waqtigii ay Dowladda Puntland iyo guud ahaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed aqbaleen ka qayb-galka gogosha ay dhigtay DFS, Madaxweynaha wuxuu qaaday tallaabooyin si cad u muujinaya ujeeddo ah in gogoshaas la fashiliyo,” ayaa lagu yiri bayaanka Puntland.

Dhankeeda, Jubbaland ayaa iyaduna sheegtay in ciidamada iyo wafdiga la socday si rasmi ah loogu wargeliyay Hay’adda Duulista Rayidka, guddiyada qaban-qaabada shirka iyo laamaha amniga ee Dowladda Federaalka, balse si lama filaan ah hawada looga celiyay, iyada oo aan la hubin in diyaaraddu haysatay shidaal ku filan oo ay dib ugu laabato Kismaayo.

“Go’aankan deg-degga ah wuxuu muujinayaa masuuliyad-darro weyn, wuxuuna halis geliyay nolosha wafdiga hordhaca ah,” ayaa lagu yiri bayaanka Jubbaland, iyadoo DFS lagu eedeeyay inay ka caga-jiidaysay qabsoomidda shirka wada-tashiga.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

13 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

14 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.