Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar soo dhoweynta diirran iyo doorka muuqda ee ay dowladdiisu ka qaadaneyso taageerada midnimada, madax-bannaanida iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in taageerada Masar ay tahay mid si weyn u qaddariyaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ka tarjumeyso xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga sii xoogeysanaya ee u dhexeeya labada dal.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta labada dowladood ee ku aaddan xoojinta amniga, horumarinta hay’adaha dowladda iyo taageeridda dadaallada xasillinta dalka.
Dhankiisa, hoggaanka Masar ayaa marar hore muujiyay garab-istaag buuxa oo ku aaddan midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo adkeeyay in Qaahira ay sii wadi doonto taageerada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay la leedahay Muqdisho.


















