• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dagaal culus oo ka socda duleedka Jamaame, duqeymo cirka ahna wa socdaan

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Dagaal culus oo ka socda duleedka Jamaame, duqeymo cirka ahna wa socdaan
Share

Dagaal culus ayaa ka qarxay duleedka Degmada Jamaame ee Koonfurta Gobolka Jubbada Hoose, kadib markii Ciidamada Daraawiishta Dowlad-goboleedka Jubbaland ay duullaan xooggan ku qaadeen dagaalyahannada Al-Shabaab.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in khasaare xooggan uu labada dhinac soo kala gaaray, inkastoo aan weli la helin tiro rasmi ah oo dhimasho iyo dhaawac ah. Goobjoogayaal ayaa tilmaamaya in dagaalku uu yahay mid aad u xooggan, isla markaana rasaas culus la is-weydaarsanayo.

Sidoo kale, ilo amni ayaa xaqiijiyay in duqeymo cirka ah ay socdaan, kuwaas oo la sheegay in ay iska kaashanayaan Ciidamada Kumaandooska Danab iyo saaxiibada Mareykanka, iyada oo lagu beegsanayo saldhigyo iyo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan Al-Shabaab.

Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa maalmihii u dambeeyay waday diyaargarow ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab, gaar ahaan agagaarka Jamaame, halkaas oo kooxdaasi lagu tuhmayay inay ka abaabulayeen weerarro cusub oo lagu beegsanayo ciidamada iyo shacabka.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada lagu doonayo in lagu xoojiyo amniga, laguna ciribtirayo haraadiga Al-Shabaab, si looga hortago in mar kale ay weerarro ka fuliyaan gobolka Jubbada Hoose.

Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.