Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka kaddib safarro shaqo oo rasmi ah oo uu ku kala bixiyay dalalka Qatar iyo Masar.
Intii uu ku sugnaa Doha iyo Qaahira, madaxweynuhu wuxuu kulammo miro-dhal ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha dalalkaas, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iskaashiga dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo arrimaha gobolka.
Safarradan shaqo ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso inay ku xoojiso doorka dalka ee heer gobol iyo caalami, isla markaana ay ku kasbato taageero caalami ah oo lagu garab istaago midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Daawa https://web.facebook.com/share/r/14MoJpS3w5r


















