Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Ciidamada ilaalada Deni iyo Madoobe oo kusoo wajahan Muqdisho, shirkii DFS & Golaha Mustaqbalka oo soo hormaraya

10-02-2026 Saacadaha soo socda waxaa magaalada Muqdisho soo gaari doona wufuud hordhac u ah madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo ka qeybgalaya shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 10, 2026, 12:58 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Ciidamada ilaalada Deni iyo Madoobe oo kusoo wajahan Muqdisho, shirkii DFS & Golaha Mustaqbalka oo soo hormaraya
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 10-02-2026 Saacadaha soo socda waxaa magaalada Muqdisho soo gaari doona wufuud hordhac u ah madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo ka qeybgalaya shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.

Wararka la helayo waxay sheegayaan in marka hore ay iman doonaan ilaalada Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo kuwa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), kadibna ay ku xigi doonaan wasiirro iyo mas’uuliyiin ka tirsan madaxtooyada labada maamul.

Ilaalada labada madaxweyne ayaa horay looga celiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaddib markii Dowladda Federaalka ay ku dooday in tiradoodu badan tahay. Si kastaba, kadib cadaadis ka yimid beesha caalamka, dowladda ayaa aqbashay in madaxda labada maamul ay la yimaadaan ciidanka ay rabaan.

Sidoo kale, Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa inay soo hormaraan waqtigii hore loo qorsheeyay, kaddib markii ay soo baxday in Madaxweyne Xasan Sheekh qorsheynayo in Arbacada la ansixiyo wax ka beddelka dastuurka, isla maalintaasna la saxiixo.

Madaxda labada maamul ayaa doonaya in shirka uu furmo ka hor Khamiista oo markii hore loo asteeyay, iyadoo wararku tilmaamayaan in shirka uu furmi doono waqti ka hor jadwalkii hore, maadaama wafdiyada ay soo hormarayaan imaanshahooda.

Xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa qorshaha wax ka beddelka dastuurka u arka mid lagu doonayo muddo-kororsi, arrintaas oo ay si adag uga horyimaadeen. Dhanka kale, beesha caalamka ayaa cadaadis saartay dhinacyada si shirka loo qabto loogana gaaro is-afgarad arrimaha la isku hayo.

Ajendaha shirka ayaa la filayaa inuu diiradda saaro doorashooyinka, dastuurka, midnimada dalka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xaaladda abaaraha.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

15 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

15 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.