Wararka24: 10-02-2026 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cad u beeniyay in joogitaanka Turkiga ee Soomaaliya uu yahay mid loogu talagalay dagaal ka dhan ah Israa’iil.
Wareysi uu siiyay Aljazeera, madaxweynuhu wuxuu sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid ballaaran oo ku saleysan iskaashi amni, dhaqaale, juqraafi istiraatiiji ah iyo siyaasadeed, islamarkaana ujeeddadiisu tahay in la xoojiyo awoodda isdifaaca ee Soomaaliya.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in heshiisyada difaac ee labada dal aysan ku wajahnayn dal saddexaad, balse ay diiradda saarayaan sugidda amniga, ilaalinta madax-bannaanida, iyo la-dagaallanka khatar kasta oo halis ku ah jiritaanka dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Turkigu yahay lammaane lagu kalsoonaan karo oo kaalin muuqata ka qaatay dib-u-dhiska hay’adaha ammaanka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo taageeridda dowlad-dhiska Soomaaliya.
Wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay u furan tahay iskaashi dal kasta oo dan wadaag leh, balse ay si cad u diidayso faragelin wax u dhimaysa midnimada dalka.
Hadalka madaxweynaha ayaa yimid xilli ay jiraan hadallo kasoo baxay mas’uuliyiin hore oo Israa’iil ah oo sheegaya in saameynta Turkiga ee Soomaaliya ay leedahay ujeeddooyin ka baxsan iskaashiga caadiga ah, arrintaas oo Muqdisho ay si rasmi ah u beenisay.


















