• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, October 12, 2025
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Cadaadis Weyn Kuhaayo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka?

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
7 months ago
Reading Time: 3 mins read
Madaxweyne Xasan Sheekh
Share

 Xasan Sheekh

Muqdisho Wararka24:–Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa cadaadis ku saaraya Taliska Militariga in ay muddo kooban ku soo afjaraan dagaalyahannada Al-Shabaab ee isku fidinaya Gobolka Shabeellaha Dhexe..

Warar la helay ayaa tilmaamaya in xafiiska ugu sarreeya ee dalka uu xiriir joogto ah la leeyahay hoggaanka sare ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Wasaaradda Gaashaandhigga, si loo dardargeliyo qorsheyaal waxtar leh oo dib loogu riixayo maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo khatar ku haya amniga bariga gobolkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah cadaadis ugu saaraya Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage, si loo dhaqan geliyo weerarro degdeg ah oo lagu wiiqayo Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh
Madaxweyne Xasan Sheekh

Inkasta oo General Odawaa uu maalmahan ku sugnaa furimaha dagaalka ee gobolkaasi, haddana waxaa la filayaa Kadib cadaadiski Madaxweyne Xasan Sheekh in Wasiir Jaamac uu isna dhawaan safar ku tago furimaha hore. Dhanka kale, saraakiisha howlgalada ee ciidanka xoogga ayaa Muqdisho ka diyaarinaya ciidamo hor leh, kuwaas oo lagu xoojinayo dagaalka ka socda Shabeellaha Dhexe.

Warbixinno kale ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan Kumaandooska Danab laga soo qaadi karo magaalada Kismaayo, si loogu biiriyo ciidamada ku sugan Hirshabelle, iyada oo la qorsheynayo in toddobaadka soo socda laga beddelo xaaladda amni ee gobolka.

Sidoo kale, ilo-wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Villa Somalia ay dowladaha Mareykanka iyo Turkiga ka codsatay in ay sare u qaadaan duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Weerarrada cirka ayaa la filayaa in ay fududeeyaan howlgallada ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa ka socda galbeedka Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Golaha Wasiirrada ayaa dhowaan shacabka uga digay in ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, si ay uga badbaadaan duqeymaha la qorsheynayo.

Weerarrada ay Al-Shabaab ka wadaan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa hakad geliyay wajigii labaad ee howlgalka militari ee lagu waday in laga fuliyo gobollada Hirshabelle bilihii January iyo February. Dowladda ayaa dadaal xooggan ugu jirta in ay dib u bilowdo weerarrada lagu ciribtirayo kooxdaas.


Share
Tags: Cabdiqaadir Maxamed NuurGeneral Odawaa Yuusuf Raagemadaxweyne Xasan Sheekhwararka mantawararka somalia
Previous Post

Diblomaasi Soomaaliyeed Oo Ku xiran xabsiga ku yaal Cloverhill ee Ireland + SABABTA?

Next Post

Internet-ka ee Soomaaliya oo ay Cilad kutimid + Sababta iyo mesha ay wax marayaan?

Abdirahman Dahir

Abdirahman Dahir

Cabdiraxmaan Daahir waa qoraa iyo tafatire sare oo ka tirsan Wararka24.com, isaga oo door muhiim ah ku leh hubinta iyo hagaajinta tayada wararka ka soo baxa wararka24.

Related Posts

148 Muwaadiniin

148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay

by Wararka24 News Desk
October 10, 2025

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 148 muwaadiniin Soomaaliyeed oo...

Kadib dilkii argagaxa

dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?

by Yasmin Jamal
October 10, 2025

Dhuusamareeb –Kadib dilkii argagaxa Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay laba ka mid ah saddex eedeysane...

Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

Wasiirka Gaashandhiga Sweden oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho..

by Yasmin Jamal
October 7, 2025

Muqdisho – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka, S/Guuto...

Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?

Puntland iyo Somaliland oo gaaray heshiiyay Taariikhi ah?

by Yasmin Jamal
October 6, 2025

Nairobi – Puntland iyo Somaliland ayaa maanta ku gaaray magaalada Nairobi heshiis taariikhi ah oo ku saabsan iskaashi...

Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?

Wadahadalladii Kismaayo ee Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo fashil ku dhammaaday, Maxa so kordhay?

by Wararka24 News Desk
October 6, 2025

Muqdisho (Wararka24)– Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in caawa burbur ku soo dhammaadeen wadahadalladii u dhexeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan...

Dowladda Federaalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo furtay 52 waddo oo ku yaalla Muqdisho

by Yasmin Jamal
October 4, 2025

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay maanta furto 52 waddo oo kala duwan oo ku...

Next Post
internet-ka

Internet-ka ee Soomaaliya oo ay Cilad kutimid + Sababta iyo mesha ay wax marayaan?

maxaabiista Soomaaliyeed ee xabsiyada Sacuudiga

DF oo rajo xumo kamujisay Maxaabiista ku xiran xabsiyada sacuudiga, qaarkood ay wajahayaan xukun dil ah?

Cabdiraxmaan Cirro

Cabdiraxmaan Cirro ayaa si kulul uga hadlay dagaalka Buqdhaarkeyn?

Recommended

Soomaaliya iyo Mareykanka

Soomaaliya iyo Mareykanka oo Hishisyo muhiim ah galay, Kadib Magacabisti Wasir FIQI

5 months ago
Soomaaliya iyo Somaliland

Wadahadalladii DF Soomaaliya iyo Somaliland oo dib ufurmay! Maxa cusub?

1 month ago
Kadib dilkii argagaxa

dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?

2 days ago
Somaliland

Somaliland waxay buuxisay shuruudihii Qaranimo, diyaar ayaana u nahay xalinta Dhibaatoyinka Soomaaliya kajira, Madaxweyne Cirro

5 months ago
Muqdisho

Bannaanbaxii mucaaradka ee Muqdisho oo dib loo dhigay, Maxaa soo kordhay?

2 weeks ago
Markabka sea world

Dowladda Soomaaliya Oo Sheegatay Lahaanshiyaha Markabka Sea World, Digniinna U Dirtay Puntland

3 months ago
Golaha Wasiirrada

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyey Xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.