Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Spain Oo Sharci Deggenaansho Siineysa Kumannaan Muhaajiriin Ah, waxa ka Faa’iideysan Doona qar Soomaali.

Wasiirka Socdaalka dalka Spain, Elma Saiz, ayaa xaqiijisay in dowladda hantiwadaagga ah ee Spain ay soo saari doonto wareegto gaar ah oo sharci deggenaansho lagu siinayo kumannaan muhaajiriin ah, taas oo aan u baahnayn ansixinta Baarlamaanka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
January 29, 2026, 10:34 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Spain Oo Sharci Deggenaansho Siineysa Kumannaan Muhaajiriin Ah, waxa ka Faa’iideysan Doona qar Soomaali.
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wasiirka Socdaalka dalka Spain, Elma Saiz, ayaa xaqiijisay in dowladda hantiwadaagga ah ee Spain ay soo saari doonto wareegto gaar ah oo sharci deggenaansho lagu siinayo kumannaan muhaajiriin ah, taas oo aan u baahnayn ansixinta Baarlamaanka.

Wareegtadan cusub ayaa quseyn doonta muhaajiriinta aan wax dambiyo ah ku lahayn dalka, gaar ahaan kuwa yimid Spain ka hor bilowgii sannadka 2026, isla markaana ku noolaa dalka in ka badan shan bilood ilaa 31-ka December 2025.

Mas’uuliyiinta Spain ayaa sheegay in tallaabadan lagu doonayo in lagu fududeeyo is-dhexgalka bulshada, lagu xoojiyo xuquuqda aadanaha, isla markaana muhaajiriinta loogu oggolaado ka qeybqaadashada dhaqaale ee dalka.

“Maanta waa maalin taariikhi ah oo dalkeenna u gaar ah,” ayay tiri Wasiir Elma Saiz, iyadoo intaa ku dartay in dowladdu ay dhiseyso nidaam socdaal oo ku saleysan xuquuqda aadanaha, wada-noolaanshaha iyo is-ixtiraamka bulshada.

Soomaali badan oo ku nool dalka Spain ayaa la filayaa inay ka faa’iideystaan go’aankan, gaar ahaan kuwa aan weli haysan sharci deggenaansho rasmi ah. Qaar kamid ah Soomaalida ayaa dalkaas ku galay si sharci darro ah, halka kuwo kalena ay horey u heleen sharciyo ku-meel-gaar ah.

Maxamed Cibaar Diiriye, oo ku nool magaalada Madrid, ayaa u sheegay BBC-da in muhaajiriin badan oo Afrikaan ah oo ku sugan Spain aysan sharci haysan, balse wareegtadan ay fursad u siin doonto inay si rasmi ah uga shaqeystaan dalka oo ay helaan nolol deggan.

Cibaar ayaa xusay in Soomaalida ku nool Spain ay ka mid yihiin muhaajiriinta si weyn uga faa’iideysan doona tallaabadan, maadaama intooda badan ay dalka kusoo galeen dhinaca badda, isla markaana ay muddo ku noolayeen xaalad sharci la’aan ah.

“Arrintan waa mid aad loo sugayay,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in muhaajiriinta hadda heli doonaan fursado shaqo, adeegyo bulsho, iyo ka mid noqoshada nidaamka rasmiga ah ee dalka Spain.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

13 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

13 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.