• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, October 12, 2025
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Madaxweynaha Ukraine oo Maanta La Kulmay Erdogan, Kadib safar degdeg ah uu ku Tagay Magaalada Ankara.

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
8 months ago
Reading Time: 3 mins read
Madaxweynaha Ukraine

Madaxweynaha Ukraine oo Maanta La Kulmay Erdogan

Share

Wararka24: Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa safar degdeg ah ugu ambabaxay Magaalada Ankara, si uu uga hadlo shirka Mareykanka iyo Ruushka uga furmay dalka Sacuudiga. Zelensky oo la kulmay Erdogan ayaa sidoo kale ka codsaday in uu qayb ka noqdo wada hadalada, si loo helo damaanad Awood leh.

Madaxweynaha Ukraine
Madaxweynaha Ukraine oo Maanta La Kulmay Erdogan

Shirka Caasimadda Riyadh ayaa loogu gogol-xaaraya in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine, ka dib saddex sano oo dagaal ah. Shirka ayaa waxaa ka qaybgelaya Saraakiisha Ruushka iyo Mareykanka oo keliya, iyadoo aysan Ukraine wax door ah ku lahayn. Midowga Yurub iyo Ingiriiska ayaana horey u qaadacay shirka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in Ukraine iyo xulafada reer Yurub laga la tashaday shirka, tiiyoo aan haddana miiska wada hadalka lagu arkin masuuliyiin ka socda Ukraine iyo xitaa Yurub oo goobjoog ka ah wada-xaajoodyada miiska wada hadalka.

Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay inaanan lagu soo casuumin shirka, maadaama looga hadlayo masiirka dalkiisa. Sidokale Erdogan ayaa sheegay inaysan aqbali doonin wax kasta oo shirka ka soo baxa, isagoona carabka ku adkeeyay inaysan soo dhaweyn doonin natiijo kasta oo Washington iyo Moscow ay gaaraan, inta Kyiv ay ka maqan tahay wada hadalka.

Madaxweynaha Ukraine Ukraine oo shir jaraa’id ku qabtay Ankara ayaa Boqortooyada Sacuudiga ugu baaqay inay qabato wada hadal caddaalad ah, isla markaana ay dib u dhigto shirka

Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy ayaa sheegay in shirka ay tahay in lagu soo martiqaado Ukraine, Midowga Yurub, Turkiga iyo Ingiriiska, haddii la doonayo in si rasmi ah loo soo afjaro dagaalka dalkiisa.

Ukraine, Midowga Yurub, Turkiga iyo Ingiriiska waa inay ku lug yeeshaan wada hadalada iyo horumarinta damaanadaha amniga ee lagama maarmaanka u ah Mareykanka ee ku saabsan masiirka qaybteenna adduunka,” ayuu yiri Zelensky.

Zelensky ayaa shirkiisa jaraa’id ku dhalleeceeyay shirka labada geesoodka ah ee Ruushka iyo Mareykanka ay ku keliga yihiin, isla markaana looga hadlayo mustaqbalka Ukraine, iyadoo uusan jirin wakiil qura oo ku metelaya shirkaasi.

Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy ayaa ku nuuxnuuxsaday inuusan diyaar u ahayn in uu ogolaado in Ruushku uu qaato dhul ay Ukraine leedahay.

Madaxweynaha Ukraine
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in joojinta colaadda Ukraine ay tahay in la wada aqbalo, dhammaan Ukraine, Yurub iyo Ruushka.

Madaxweyne Donald Trump, oo ah midka riixaya wada hadalada Riyadh, ayaa la sheegaya in uu Ukraine dirqi kaga dhigi doono inay aqbasho in qayb ka mid ah dhulkeeda ay ku wareejiso Ruushka, si ay ugu bedelato nabad.

Ruushka ayaa horey dagaalka ugu qabsaday in ka badan boqolkiiba labaatan dhulka Ukraine, iyadoona Baarlamaanka Ruushka uu ansixiyay sharci lagu qarameeyay afar ka mid ah gobolada dalkaasi Ukraine oo lagu daray dhulweynaha Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xilligaasi wacad ku maray in dowladdiisu ay dhaqangelin doonto, waxa uu ku sheegay ansixinta sharciga qarameynta ah.

Muddadii Ukraine ay dagaalka kula jirtay Ruushka waxay taageerada ugu badan ka heleysay Dowladdii Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ee Madaxweyne Joe Biden, taasoo hadda u muuqato mid meesha ka baxday.

Trump ayaa ololihiisii dib u doorashada ee bishii November ku ololeynayay in haddii la doorto uu joojin doono taageerada militari ee Mareykanka uu siiyo Ukraine, isla markaana uu muddo gaaban ku soo afjari doono dagaalka Ukraine iyo Ruushka.

  • 148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay

    148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay

    ShareMuqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 148 muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo daadgureeyay dalka Yemen, iyadoo kaashaneysa hay’adaha gargaarka caalamiga ah. Muwaadiniintan oo isugu jira rag, dumar iyo carruur ayaa lagu soo celiyay diyaarad khaas ah oo si toos ah uga timid Yemen, kadib markii ay halkaas…

    Sii Aqri


    October 10, 2025
  • dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?

    dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?

    ShareDhuusamareeb –Kadib dilkii argagaxa Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay laba ka mid ah saddex eedeysane oo lagu tuhunsan yahay in deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud ku dileen hooyo iyo saddex carruur ah oo ay dhashay. Howlgalka oo socday ku dhowaad 24 saacadood ayaa la sheegay inuu si gaar ah loogu beegsaday rag…

    Sii Aqri


    October 10, 2025
  • LIVE: Wararka maanta soomalia, DF ayaa qaadatay in Jubbaland cusub la sameeyo..

    LIVE: Wararka maanta soomalia, DF ayaa qaadatay in Jubbaland cusub la sameeyo..

    Share Share

    Sii Aqri


    October 10, 2025

Share
Tags: Madaxweynaha UkraineMadaxweyne ErdoganShirka Caasimadda Riyadhwararka caalamkawararka manta
Previous Post

Mareykanka iyo Ruushka oo Marki ugu horeysay mudo 4 sano Ah Shir Uga Furmay Dalka Sacuudiga..

Next Post

Fahad Yaasiin oo ku taliyey In Labaaro xaalada caafimaad ee Madaxda Qaranka, kadib Hadalki MD Xasan Sheekh

Yasmin Jamal

Yasmin Jamal

Yasmiin waa qoraa si joogto ah Wararka24 uga qora wararka deg-dega ah ee marka tagan guud ahaan Soomaaliya iyo Geeska Afrika iyo caalamka.

Related Posts

Trump

Trump oo soo dhaweeyay jawaabta Xamaas ee ku saabsan hindisaha xabad joojinta Gaza?

by Yasmin Jamal
October 4, 2025

Washington (wararka24)– Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa si weyn u soo dhaweeyay jawaabta ay Xamaas ka bixisay hindisihiisa...

Shiinaha: Wasiir hore ayaa lagu xukumay dil toogasho ah?

Shiinaha: Wasiir hore ayaa lagu xukumay dil toogasho ah?

by Wararka24 News Desk
September 30, 2025

Beijing, Sept 30, 2025 (Wararka24) – Wasiirkii hore ee Beeraha iyo Arrimaha Miyiga ee Shiinaha ayaa lagu xukumay...

Kim Jong Un oo amray adag siiyey saynisyahannada dalkisa?

Kim Jong Un oo amray adag siiyey saynisyahannada dalkisa?

by Wararka24 News Desk
September 27, 2025

Pyongyang, Sept 27, 2025 (Wararka24) -Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa amar ku siiyay mas’uuliyiinta sare ee barnaamijka...

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Golaha Ammaanka oo diiday soo jeedin Ruushka iyo Shiinaha ku saabsan cunaqabateynta Iran

by Yasmin Jamal
September 27, 2025

New York – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa diiday soo jeedin ay hor dhigeen Ruushka iyo Shiinaha...

Trump oo taageeray soo jeedinta Tony Blair ee ku saabsan mustaqbalka Gaza

Trump oo taageeray soo jeedinta Tony Blair ee ku saabsan mustaqbalka Gaza

by Amran Mahad
September 18, 2025

Washington – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu taageeray soo jeedin uu sameeyay Ra’iisul Wasaarihii hore...

Sucuudiga iyo Pakistan oo kala saxiixday heshiis difaac istiraatiiji ah

Sucuudiga iyo Pakistan oo kala saxiixday heshiis difaac istiraatiiji ah

by Amran Mahad
September 18, 2025

Riyaadh – Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga, Mohammed bin Salman, iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa magaalada Riyaadh ku...

Next Post
Fahad Yaasiin Xaaji

Fahad Yaasiin oo ku taliyey In Labaaro xaalada caafimaad ee Madaxda Qaranka, kadib Hadalki MD Xasan Sheekh

ruushka iyo Mareekanka ay

Ruushka iyo Mareekanka ayaa isku afgartay qodobo dhowr ah shirkii Riyadh, Lavrov.

Ciidamada Xoogga Dalka

Ciidamada Xoogga Dalka oo Weerar ka Fuliyay Koonfurta Gobolka Mudug

Recommended

Waqooyi Bari: oo bilowday Tababar lagu xoojinayo suxufiyiinta?

Waqooyi Bari: oo bilowday Tababar lagu xoojinayo suxufiyiinta?

1 month ago
maxaabiista Soomaaliyeed ee xabsiyada Sacuudiga

DF oo rajo xumo kamujisay Maxaabiista ku xiran xabsiyada sacuudiga, qaarkood ay wajahayaan xukun dil ah?

7 months ago
Roobab

Daawo warbixinta: Roobab mahiigaan ah oo khasaare Dhimasho geystay ayaa ka da’ay magaalada Muqdisho

5 months ago
Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Jabuuti Si Uu Ula Kulmo Madaxweyne Geelle

3 months ago
Gobolka Shabellaha Dhexe

Gobolka Shabellaha Dhexe, Al Shabaab oo La Wareegtay Degmada Ceelbaraf..

8 months ago
General Morgan

Aaska Jeneral Morgan oo Dib u Dhacay Khilaaf jiro Awgeed

4 months ago
Madaxweyne Deni

Madaxweyne Deni Oo La Kulmay Isimmada Sanaag, Haylaan & Bari

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.