Wararka24: Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi, ayaa ku baaqay in Gaza dib loo dhiso, iyadoo aan laga rarin Falastiiniyiinta ku nool gobolka. Baaqaan ayaa imanaya xilli muran iyo khilaaf ka taagan sidii loo dhisin lahaa Gaza iyo mustaqbalka shacabka Falastiiniyiinta.

Madaxweynaha Masar ayaa Talaadadan sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la bilaabo dib u dhiska Gaza,
Iyada oo aan la barakacineyn Falastiiniyiinta. “Barakacinta khasabka ah ee dadka xoog looga qaado dhulkooda waa dembi dagaal,” ayuu yiri, isagoo ku eedeeyay inay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.
Wicitaan teleefan oo uu la yeeshay Raysal Wasaaraha Denmark, Mette Frederiksen, ayaa Madaxweynaha Masar oo ku baaqay in Gaza la dhiso uu ku dhiirrigeliyay in dadka reer Gaza loo dayo inay ku noolaadaan dhulkooda. “Dhismaha Dowladda Falastiin waa xalka keliya ee nabad waarta loogu soo dabaali karo Gobolka Bariga Dhexe,” ayuu yiri.
Hadalka Sisi ayaa imanaya ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu ku celiyay qorshihiisa ku aaddan in dadka reer Gaza loo raro dalalka Masar iyo Jordan. Trump ayaa sheegay in haddii Falastiiniyiintu diidaan qorshahaas, uu ka jari doono gargaarka uu Mareykanku siiyo labadaasi dal.
Dowladaha Masar iyo Jordan ayaa si adag uga horyimid in ay dib u dejin u sameeyaan qaxootiga reer Falastiin. Madaxweynaha Masar oo ku baaqay in Gaza la dhiso ayaa sidoo kale ku dhiirrigeliyay in xuquuqda shacabka Falastiiniyiinta ay tahay inay ku noolaadaan dhulkooda.
Trump ayaa maalmahaanba si is daba joog ah u sheegay in dalkiisu uu qaadanayo dib u dhiska Gaza. Waxaan doonaynaa in Gaza ay noqoto meel dhismo qurxoon oo horumarsan,” ayuu yiri.

Waxa uu intaa ku daray in ay jiraan dalal kale oo ay suurtagal tahay in ay qaabilaan Falastiiniyiinta.
Farmaajo oo ka digay halista xiisadda Koonfur Galbeed

Wararka Ugu Aqrintabadan Farmaajo oo ka digay halista xiisadda Koonfur Galbeed 7 hours ago Kumaandooska Gorgor oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Dhexe 14 hours ago Load More ShareWararka24: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda sii cakirmeysa ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo uu kasii darayo khilaafka
Mareykanka oo farriin u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay helitaankeeda

Wararka Ugu Aqrintabadan Mareykanka oo farriin u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay helitaankeeda 7 hours ago Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan 13 hours ago Load More ShareWararka24: Mareykanka ayaa farriin u diray Iiraan isaga oo adeegsanaya dalal dhexdhexaad ah, iyadoo Tehran ay xaqiijisay in ay heshay farriintaas, sida ay warisay CBS
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Wararka Ugu Aqrintabadan Mareykanka oo farriin u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay helitaankeeda 7 hours ago Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan 13 hours ago Load More ShareWararka24: Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka ayaa si adag u cambaaraysay weerarrada Israa’iil ka waddo Lubnaan, iyadoo ku baaqday in si degdeg




















