Wararka24: Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay hub dibadda laga keenay u adeegsatay arrimo siyaasadeed oo gudaha ah.
Cali Fiqi ayaa sheegay in hub la sheegay in Masar ay siisay Soomaaliya, oo loogu talagalay amniga qaranka iyo la dagaallanka Al-Shabaab, lagu wareejiyay maleeshiyaad ku sugan degmada Buurhakaba.
Wuxuu tilmaamay in hubkaasi loo adeegsaday dagaallo ka dhan ah dhinacyo siyaasadeed iyo dhibaateynta shacabka, halkii loogu talagalay in lagu difaaco dalka.
Guddoomiyaha ayaa ka digay in ku takri falka hubka qaranka uu sii kordhin karo xiisadda, isla markaana uu wiiqi karo kalsoonida shacabka iyo nidaamka dowladnimada.
Wuxuu sidoo kale xusay in eedeymahan ay kusoo aadayaan xilli Soomaaliya ay weli wajahdayso khataraha Al-Shabaab, taasoo u baahan in la mideeyo awoodda amni ee dalka.
Dhanka kale, khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Koonfur Galbeed ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo ay jiraan eedeymo is dhaafsi ah iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan.
Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha la xiriira adeegsiga hubka ee Buurhakaba.


















