Wararka24: 9-02-2026 Iiraan ayaa maalmihii lasoo dhaafay weerarro ku qaaday xarumo raadaar iyo nidaamyo difaac oo ku yaalla dalal ka tirsan Bariga Dhexe, arrintaas oo hoos u dhigtay awoodda Mareykanka iyo xulafadiisa ay kula socon lahaayeen gantaallada iyo diyaaradaha kusoo wajahan, sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal.
Saraakiil Mareykan ah iyo falanqeeyayaal milateri ayaa sheegay in weerarrada ay beegsadeen nidaamyada raadaarka, isgaarsiinta iyo difaaca cirka ee dalalka Qatar, Imaaraadka Carabta, Urdun, Baxreyn, Kuweyt iyo Sacuudi Carabiya.
Weerarradaas ayaa inta badan lagu fuliyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee is-miidaaminta ah ee nooca Shahed, kuwaas oo aad uga jaban gantaallada casriga ah ee loo adeegsado difaaca cirka ee Mareykanka iyo xulafadiisa.
Mid ka mid ah weerarrada ugu waaweyn ayaa ku dhacay saldhigga milateriga Mareykanka ee Al-Udeid ee dalka Qatar, halkaas oo uu ku dhaawacmay nidaam raadaar oo awood badan leh oo lagu magacaabo AN/FPS-132, kaas oo bixiya digniin hore oo ku saabsan gantaallada kusoo wajahan.
Sawirro satalayt ah ayaa sidoo kale muujiyay burbur soo gaaray raadaarro ku yaalla Urdun iyo saldhigyo milateri oo ku yaalla Kuweyt iyo Baxreyn, iyadoo qiiq laga arkay xarun raadaar oo ku taalla saldhigga Prince Sultan ee Sacuudi Carabiya.
Mareykanka iyo xulafadiisa gobolka ayaa adeegsada nidaamyo difaac oo ay ka mid yihiin Thaad iyo Patriot si ay u soo ridaan gantaallada iyo diyaaradaha Drones-ka ee ay ridayaan Iiraan iyo kooxaha xulafada la ah.
Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in inkastoo weerarradan ay saameyn yeesheen, haddana ciidamada Mareykanka ay weli hayaan awood difaac oo buuxda, isla markaana ay sii xoojinayaan qalabka difaaca ee gobolka.


















