
Algiers, Algeria – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan (Madoobe) Maxamed Nuur, ayaa jimcihi gaaray magaalada Algiers, caasimadda dalka Algeria, halkaas oo uu uga qeyb galay Shirka Guddoomiyayaasha Baarlamaanada Garsoorka.
Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Algiers, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Algeria, Mudane Ibrahim Boughali, xubno ka tirsan Baarlamaanka dalkaas iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Algeria, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego).
Aadan Madoobe ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo shirka, isaga oo si gaar ah uga hadli doona muhiimadda shirkan uu u leeyahay Soomaaliya iyo doorka ay dowladda Soomaaliya ka qaadaneyso arrimaha Carabta, gaar ahaan xaaladda ka taagan Falastiin oo kamid ah qodobada ugu waa weyn ee diiradda la saari doono.
Inta uu ku sugan yahay Algeria, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeelan doona madaxda sare ee dalka Algeria iyo Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Carabta ee ka qeyb galaya shirka.
Wararka ku saabsan shirkan iyo kulamada uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe la yeelan doono madaxda kale, kala soco Wararka24.
148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay
ShareMuqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 148 muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo daadgureeyay dalka Yemen, iyadoo kaashaneysa hay’adaha gargaarka caalamiga ah. Muwaadiniintan oo isugu jira rag, dumar iyo carruur ayaa lagu soo celiyay diyaarad khaas ah oo si toos ah uga timid Yemen, kadib markii ay halkaas…
dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?
ShareDhuusamareeb –Kadib dilkii argagaxa Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay laba ka mid ah saddex eedeysane oo lagu tuhunsan yahay in deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud ku dileen hooyo iyo saddex carruur ah oo ay dhashay. Howlgalka oo socday ku dhowaad 24 saacadood ayaa la sheegay inuu si gaar ah loogu beegsaday rag…
LIVE: Wararka maanta soomalia, DF ayaa qaadatay in Jubbaland cusub la sameeyo..
Share Share