
Algiers, Algeria – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan (Madoobe) Maxamed Nuur, ayaa jimcihi gaaray magaalada Algiers, caasimadda dalka Algeria, halkaas oo uu uga qeyb galay Shirka Guddoomiyayaasha Baarlamaanada Garsoorka.
Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Algiers, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Algeria, Mudane Ibrahim Boughali, xubno ka tirsan Baarlamaanka dalkaas iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Algeria, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego).
Aadan Madoobe ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo shirka, isaga oo si gaar ah uga hadli doona muhiimadda shirkan uu u leeyahay Soomaaliya iyo doorka ay dowladda Soomaaliya ka qaadaneyso arrimaha Carabta, gaar ahaan xaaladda ka taagan Falastiin oo kamid ah qodobada ugu waa weyn ee diiradda la saari doono.
Inta uu ku sugan yahay Algeria, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeelan doona madaxda sare ee dalka Algeria iyo Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Carabta ee ka qeyb galaya shirka.
Wararka ku saabsan shirkan iyo kulamada uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe la yeelan doono madaxda kale, kala soco Wararka24.
Farmaajo oo ka digay halista xiisadda Koonfur Galbeed

Wararka Ugu Aqrintabadan Farmaajo oo ka digay halista xiisadda Koonfur Galbeed 8 hours ago Kumaandooska Gorgor oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Dhexe 15 hours ago Load More ShareWararka24: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda sii cakirmeysa ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo uu kasii darayo khilaafka
Mareykanka oo farriin u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay helitaankeeda

Wararka Ugu Aqrintabadan Mareykanka oo farriin u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay helitaankeeda 8 hours ago Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan 14 hours ago Load More ShareWararka24: Mareykanka ayaa farriin u diray Iiraan isaga oo adeegsanaya dalal dhexdhexaad ah, iyadoo Tehran ay xaqiijisay in ay heshay farriintaas, sida ay warisay CBS
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Wararka Ugu Aqrintabadan Mareykanka oo farriin u diray Iran iyo Tehran oo xaqiijisay helitaankeeda 8 hours ago Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan 14 hours ago Load More ShareWararka24: Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka ayaa si adag u cambaaraysay weerarrada Israa’iil ka waddo Lubnaan, iyadoo ku baaqday in si degdeg




















