Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Ilyaas Lugatoor ayaa si rasmi ah uga furay Garoowe shir wadatashi ah oo ay Qurba Joogtu doorka weyn ku leeyihiin, iyo xiriirka rasmiga ah ee ay la leeyihiin dowladda. Shirkan ayaa socon doona laba maalmood.

Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa si rasmi ah uga furay magaalada Garoowe Shirweynaha Wadatashiga Qurba Joogta Puntland, kaas oo socon doona muddo laba cisho ah.
Shirkan ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland, iyadoo diiradda lagu saarayo dejinta siyaasadda rasmiga ah ee Qurba Joogta, si loo xoojiyo xiriirka iyo wadashaqeynta ka dhaxeysa Maamulka iyo qurba joogta.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyey Qurba Joogta kaalintooda muuqata ee ay ka qaateen hawlgalka lagu ciribtirayo argagixisada Daacish ee Hilaac. Waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan taageeradooda, isla markaana ay maalgashi muuqda ku sameeyaan gudaha dalka.
Shirka oo ay ka qeybgalayaan qurba joogta dalka ku sugan iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka, ayaa lagu wadaa in lagu soo saaro talooyin iyo siyaasad mideysan oo lagu horumarinayo doorka Qurba Joogta ee horumarinta gobolka.
Wararka24 – Xog rasmi ah oo faahfaahin degdeg ah
Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed

Wararka Ugu Aqrintabadan Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed 15 hours ago Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba 2 days ago Load More ShareWararka24: Shiinaha ayaa bartamaha bishan Agoosto u diri doona maraakiib dagaal oo cusub Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan ilaalinta maraakiibta ganacsiga ee mara biyaha caalamiga ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Shiinaha. Howlgalkan ayaa noqonaya markii 49-aad ee Shiinuhu ciidan badeed u diro gobolka, iyadoo kooxda cusub ay beddeli doonto cutubkii 48-aad ee howlgalka, kaas oo Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed ka howlgallayay tan iyo…
Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba

Wararka Ugu Aqrintabadan Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed 15 hours ago Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba 2 days ago Load More ShareWararka24: Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa ka baxay degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, iyadoo mas’uuliyadda amniga saldhigga degmada lagu wareejiyay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Wareejintan ayaa qeyb ka ah qorshaha AUSSOM ee ah in si tartiib ah amniga loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya. AUSSOM ayaa sheegtay in 8-dii Agoosto ay, iyadoo taageero ka heleysa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS), si rasmi ah…
Doorashada guddoomiyaha golaha shacabka oo berri ka dhaceysa Muqdisho

Wararka Ugu Aqrintabadan Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed 15 hours ago Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba 2 days ago Load More ShareWararka24: Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay berri ka dhacdo magaalada Muqdisho, iyadoo maanta la soo gabagabeeyay diyaar-garowga goobta iyo habraacyada loogu talagalay qabsoomidda doorashada. Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa maanta kormeertay goobta loo diyaariyay doorashada, iyadoo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Cabdullaahi Cumar Abshirow, Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xoghayaha Guud ee Golaha, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri).…




















