Wararka24: 23-01-2026 Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ka tanaasuli doonin ilaalinta madaxbannaanida dalka, isla markaana ay si adag uga hortagi doonto cid kasta oo ku xadgudubta xuduudaha iyo sharafta qaranka.
Wasiirka ayaa hadalkan ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay Aljazeera Net, xilli uu ku sugnaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu uga qeybgalay Shirka iyo Bandhigga Difaaca Badda ee DIMDEX 2026.
Axmed Macallin Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay in go’aankii dhawaan dowladda Soomaaliya ku joojisay dhammaan heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka Carabta uu ka dhashay falal uu ku tilmaamay xadgudubyo si toos ah u taabanayay madaxbannaanida dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in dhammaan saldhigyada militari ee ku yaalla Soomaaliya ay tahay in ay hoos yimaadaan dowladda federaalka, isla markaana lagu dhiso ixtiraam buuxa oo la siiyo qarannimada iyo sharciga dalka.
Isagoo ka hadlay xiriirkii hore ee Imaaraadka Carabta, Wasiir Fiqi ayaa qiray in Abu Dhabi ay hore u taageeri jirtay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, balse taageeradaasi ay istaagtay ku dhowaad laba sano ka hor, isagoo xusay in marar badan aan taageeradaasi loo marin hay’adaha rasmiga ah ee dowladda.
Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa faahfaahiyay sababaha ay dalalka shisheeye u daneynayaan joogitaanka militari ee Soomaaliya, isagoo tilmaamay in arrintaasi ay salka ku hayso la-dagaallanka argagixisada iyo burcad-badeedda, goobta istiraatiijiga ah ee dalka oo ku yaalla marinno muhiim ah sida Gacanka Cadmeed iyo Bab al-Mandab, iyo sidoo kale kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.
Wasiir Fiqi ayaa si gaar ah uga hadlay arrinta Somaliland, isagoo sheegay inay tahay qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana heshiis kasta oo ay si gooni ah u gasho uu yahay mid ka baxsan dastuurka dalka iyo shuruucda caalamiga ah.
Waxa uu ka digay in aqoonsi loo fidiyo Somaliland uu horseedi karo qalalaase cusub iyo carqalad ku timaadda dadaallada dib u dhiska qaranka.
Sidoo kale, Wasiirka Difaaca ayaa muujiyay walaac ku saabsan waxa uu ku tilmaamay isku day ay Israa’iil ku doonayso in ay ku lug yeelato arrimaha Somaliland, isagoo sheegay in arrintaasi ay halis ku tahay midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana ay jiraan warar la xiriira qorshayaal muran dhaliyay oo ku saabsan danaha istiraatiijiga ah ee gobolka.
















