• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

DF Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dhismaha Maamulka Cusub Ee Guban State

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
8 months ago
Reading Time: 2 mins read
Guban
Share

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay ku dhawaaqista maamulka cusub ee Guban State, kaasi oo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay sheegeen in laga dhisayo magaalada Saylac ee gobolka Awdal.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ay taageersan tahay dhismaha maamulkaasi, isaga oo sheegay in dadaallada gooni-goosadka somaliland ay sii itaal-darreysay. Hadal uu jeediyay ayuu ku yiri, “Mashruucii gooni-goosadku wuu sii itaal-darreynayaa, waana laga kala baxay,” isaga oo hadalkaas u jeediyay xaaladda siyaasadeed ee taagan.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale bogaadiyay shacabka gobolka Awdal, gaar ahaan beelaha ku sugan, isagoo ku amaanay sida ay uga soo horjeedaan kala-goynta dalka, isla markaana uu hambalyo u diray xildhibaannada ku lugta leh ku dhawaaqista maamulka cusub.

Taageerada Dowladda Federaalka ayaa timid saacado kadib markii qaar ka mid ah xildhibaannada Somaliland ku metela Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah ugu dhawaaqeen dhismaha Guban State of Somalia. Xildhibaannada beesha Ciise ayaa sheegay in caasimadda maamulkaasi ay noqon doonto magaalada Saylac.

Xildhibaannadu waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbadeen inay taageero siiso maamulka cusub, isla markaana kaalin muuqata ka qaadato hirgelintiisa iyo dhismaha hay’adaha maamul.

Ku dhawaaqista Guban State ayaa ku soo aadeysa xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay horay u shaacisay qorshe ay ku doonayso in gobolka Awdal looga dhiso maamul kale oo la yiraahdo Awdal State, kaas oo la sheegay in caasimaddiisu tahay magaalada Boorama, arrintaas oo weli dood siyaasadeed ka taagan tahay.


Share

Recommended

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

7 months ago
Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

3 months ago
Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

6 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

2 years ago
Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

4 months ago
Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

3 weeks ago
Puntland iyo dacish

Puntland oo Sheegtay in ay Qabtay Dagaal-yahan Turkish ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.