• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

UK Oo Farriin U Dirtay Golaha Mustaqbalka somaliyeed Kadib Casuumaadda Xasan Sheekh

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
8 months ago
Reading Time: 3 mins read
Xasan Sheekh
Share

Wararka24: 23-01-2026 Dowladda Ingiriiska ayaa soo dhoweysay gogosha wadatashi qaran ee uu fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka.

Bayaan kasoo baxay Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiin mucaarad ah, lagu boorinayo inay ka qeybgalaan gogosha wadatashi ee ay fidisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Boqortooyada Ingiriiska waxay soo dhoweyneysaa ku dhawaaqista Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsan qabsoomidda shir wadatashi qaran oo loo dhan yahay, kaas oo lagu qabanayo magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka ay safaaraddu ku baahisay barteeda X (ex-Twitter).

The UK 🇬🇧 welcomes the FGS’ 🇸🇴announcement of an inclusive national consultative conference in Mogadishu this February.

We encourage the Somali Future Council to participate in the process & urge all parties to reach consensus on elections for Somalia’s stability & prosperity. pic.twitter.com/pT3U2V6H9r

— UK in Somalia🇬🇧🇸🇴 (@UKinSomalia) January 22, 2026

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyadu gaaraan is-afgarad ku saabsan hannaanka doorashooyinka, si loo xaqiijiyo xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka waara ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Isniintii ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran, isagoo casuumaad u diray madaxda iyo siyaasiyiinta ku bahoobay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale diray casuumaado rasmi ah oo ku wajahan Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Sida lagu sheegay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, shirweynaha wadatashiga qaran ayaa lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho 1-da bisha Febraayo 2026.

Si kastaba ha ahaatee, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin casuumaadda dowladda, inkastoo goluhu horey u dalbaday in la qabto shir qaran oo looga arrinsanayo xaaladda guud ee dalka, oo ay ka mid yihiin doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo arrimaha midnimada.


Share

Recommended

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

7 months ago
Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

3 months ago
Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

6 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

2 years ago
Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

4 months ago
Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

3 weeks ago
Puntland iyo dacish

Puntland oo Sheegtay in ay Qabtay Dagaal-yahan Turkish ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.