• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

DW: Soomaaliya Oo Ka Fikiraysa Tallaabo Militari Oo Ka Dhan Ah Gooni-goosadka?

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
9 months ago
Reading Time: 2 mins read
Soomaaliya
Share

Wararka24: 12-01-2026: Telefishinka DW ee laga leeyahay dalka Jarmalka ayaa warbixin gaar ah ku sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka fiirsanayso tallaabooyin militari oo looga hortagayo maamulada gooni-goosadka ah ee ka jira Waqooyiga Soomaaliya, kadib aqoonsigii ay Israa’iil siisay Gobollada Waqooyi Galbeed Soomaaliya.

Warbixinta DW ayaa tilmaantay in Muqdisho ay wado diyaargarow amni iyo mid militari oo laga yaabo inuu isu beddelo iska horimaad hubeysan, iyada oo dowladda federaalka ay doonayso inay xakameyso dhaq-dhaqaaqyada ay ku tilmaantay kuwo halis ku ah midnimada dalka.

Sida lagu sheegay warbixinta, ciidan gaaraya inta u dhaxeysa 5,000 illaa 8,000 oo askari, kuwaas oo tababar ku soo qaatay Turkiga isla markaana ay maalgelisay Sacuudiga, ayaa la filayaa in loo wareejiyo Waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

DW ayaa intaas ku dartay in dowladda federaalka ay qorsheyneyso dhismaha xarumo sirdoon iyo sahay militari, tallaabadaas oo muujinaysa dadaal ay Muqdisho ku doonayso inay kaga hortagto waxa ay u aragto khatar amni oo ka imaan karta kooxaha ku mashquulsan gooni-goosadka.

Warbixinta ayaa xustay in tallaabooyinkan ay ku soo beegmayaan xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee la xiriira mustaqbalka midnimada Soomaaliya, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin go’aan militari oo kama dambeys ah.


Share

Recommended

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

7 months ago
Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

3 months ago
Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

6 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

2 years ago
Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

4 months ago
Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

3 weeks ago
Puntland iyo dacish

Puntland oo Sheegtay in ay Qabtay Dagaal-yahan Turkish ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.