Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay qorshe la sheegay in Israa’iil ay saldhig militari uga dhisaneyso Somaliland, iyadoo sheegtay in dhulka Soomaaliya aan loo adeegsan karin goob laga fuliyo howl-gallo militari oo shisheeye.
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar oo la hadlay telefishinka Al Jazeera ayaa sheegay in Soomaaliya aysan oggolaan doonin in dhulkeeda lagu soo jiido loolan iyo isku-dhacyo shisheeye, ama loo adeegsado arrimo sii wiiqi kara xasilloonida gobolka.
Digniintan ayaa timid kadib warbixino warbaahineed oo ay daabaceen Bloomberg iyo warbaahinta Sweden ee Ekot, kuwaas oo sheegay in Israa’iil ay sahminayso suurtagalnimada dhismaha saldhig militari oo u dhow magaalada Berbera.
Wasiir Cali Cumar ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay hay’adda keliya ee sharci ahaan u matali karta dalka heshiisyada amniga iyo kuwa militari ee caalamiga ah, isla markaana wada-hadal kasta oo arrintaas la xiriira oo aan dowladda dhexe la marsiin uusan sharciyad lahayn.
Dhanka kale, qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in xiriirka ay la leeyihiin Israa’iil uu yahay mid istaraatiijiyadeed oo dhinacyo badan leh, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin heshiis ku saabsan saldhig militari.


















