• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Turkiga oo afar markab dagaal u soo diraya bada Soomaaliya

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Turkiga oo afar markab dagaal u soo diraya bada Soomaaliya
Share

Wararka24: Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga, Admiral Zeki Aktürk, ayaa sheegay in afar markab oo ka tirsan ciidamada badda ee dalkaas ay u soo ambabixi doonaan Soomaaliya 16-ka Maarso.

Maraakiibta oo kala ah TCG Göksu, TCG Bayraktar, TCG Bartın iyo TCG Yzb. Güngör Durmuş ayaa ka dhaqaaqi doona Bariga Badda Mediterranean-ka, waxaana la sheegay in hawlgalkooda uu qayb ka yahay qorshaha ciidamada badda ee “Türkiye Somalia Naval Task Group”.

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in hawlgalkan uu yahay mid lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan ilaalinta amniga badda iyo taageerada howlaha wadajirka ah ee labada dal.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in maraakiibtan ay marka hore ku soo xiran doonaan dekedda Muqdisho, ka dibna ay u sii gudbi doonaan dhanka Badda Cas si ay uga qeyb qaataan ilaalinta biyaha Soomaaliya.

Horay waxaa biyaha Soomaaliya ugu sugnaa maraakiib kale oo Turkiga leeyahay oo ay ku jiraan kuwa ilaalinaya hawlaha la xiriira sahaminta shidaalka ee ka socda xeebaha dalka, taas oo muujinaysa kororka joogitaanka ciidamada badda ee Turkiga ee gobolka.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.