• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Farmaajo oo cambaareeyay xarigga bajaajleyda dibadbaxa ka dhigay Muqdisho

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Farmaajo oo cambaareeyay xarigga bajaajleyda dibadbaxa ka dhigay Muqdisho
Share

Wararka24: Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cambaareeyay xarig loo geystay qaar ka mid ah darawallada mootooyinka bajaajta ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo dhigay dibadbaxyo ay kaga cabanayeen sare u kaca qiimaha shidaalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Farmaajo ayaa lagu sheegay in dhallinyarada bajaajleyda ay si nabad ah u muujinayeen cabashadooda ku aaddan culaysyada dhaqaale ee saameeyay noloshooda, waxaana dowladda loogu baaqay inay si degdeg ah u sii deyso dadka la xiray.

Farmaajo ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku shaqeeya duruufaha adag ay mudan yihiin garab istaag iyo in laga dulqaado culaysyada iyo canshuuraha ay ka cabanayaan, isagoo sidoo kale ugu baaqay dowladda inay ka fogaato tallaabo kasta oo lagu cabburinayo cabashooyinka shacabka.

Dibadbaxa bajaajleyda ayaa shalay ka dhacay waddada Maka Al-Mukarrama ee Muqdisho, halkaas oo ay dibadbaxayaashu xireen isgoyska KM4 oo ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan caasimadda.

Darawallada bajaajta ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah ganacsatada shidaalka inay sare u qaadeen qiimaha, iyagoo dowladda ka dalbaday inay soo farageliso arrintan si loo yareeyo culayska saameeyay shaqadooda.

Qiimaha shidaalka ee Muqdisho ayaa maalmahan si weyn u kordhay, iyadoo wararka ganacsigu sheegayaan in halkii liitar ee baasiinka uu ka kacay qiyaastii $0.65 ilaa $1.50, arrin la xiriirta saameynta xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe ee ku yeeshay suuqyada tamarta.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.