• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Bajaajleyda Muqdisho oo dibadbax ka dhigay waddada Maka Al-Mukarrama

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
7 months ago
Reading Time: 2 mins read
Bajaajleyda Muqdisho oo dibadbax ka dhigay waddada Maka Al-Mukarrama
Share

Wararka24: Qaar ka mid ah darawallada mootooyinka bajaajta ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho ayaa maanta dhigay dibadbax cabasho ah oo ay uga soo horjeedaan sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka.

Dibadbaxayaasha ayaa isugu soo baxay qaybo ka mid ah waddada Maka Al-Mukarrama, iyagoo xiray isgoyska KM4 oo ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan caasimadda, taas oo saameyn ku yeelatay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Darawallo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in dibadbaxooda uu yahay mid nabadeed, isla markaana ay dalbanayaan in dowladda ay wax ka qabato sare u kaca qiimaha shidaalka ee ay ku eedeeyeen qaar ka mid ah ganacsatada.

Mid ka mid ah darawallada bajaajta ayaa sheegay in ay yihiin canshuur bixiyeyaal balse ay la kulmayaan culeys dhaqaale oo sii kordhaya, isagoo xusay in sare u kaca shidaalku uu si toos ah u saameeyay shaqadooda iyo noloshooda maalinlaha ah.

Qiimaha shidaalka ee Muqdisho ayaa si weyn u kordhay maalmahan, iyadoo warar ganacsi ay sheegayaan in halkii liitar ee baasiinka ah uu ka kacay qiyaastii $0.65 ilaa ku dhowaad $1.5, arrin la xiriirta saameynta xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe ee ku yeeshay suuqyada tamarta.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.