Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa Haramcad u dirtay deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Muqdisho iyo Baydhaba.
Ciidamadan oo boqolaal ah ayaa laga qaaday Muqdisho, waxaana la geeyay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ka bilaabayaan dhaq dhaqaaqyo lagu xoojinayo amniga.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka mid yihiin kuwii ugu horeeyay ee la daad gureeyay, iyadoo loo adeegsaday diyaarado, si loo dardar geliyo gaarsiintooda goobaha la qorsheeyay.
Qorshaha dowladda Federaalka ayaa la sheegay inuu yahay xoojinta gacan ku heynta magaalada Baraawe iyo deegaano kale oo muhiim ah, oo ay ku jiraan Buurhakaba oo ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo la xiriira mucaaradka Koonfur Galbeed.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka lagu amray diyaarinta tiro askar ah oo dheeraad ah, si loogu diro Koonfur Galbeed loona xoojiyo howlgalada socda.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo madaxweynaha Koonfur Galbeed uu dowladda dhexe ku eedeeyay inay ku lug leedahay colaado ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Baay, eedeymahaas oo sare u qaaday xiisadda u dhaxeysa labada dhinac.
Xiisadda siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka socda Koonfur Galbeed ayaa sii kordhaya, iyadoo laga cabsi qabo in ay ka dhashaan isku dhacyo hor leh.


















