• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Senatorrada Koonfur Galbeed oo Taageeray Go’aanka Maamulka iyo…..

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
6 months ago
Reading Time: 2 mins read
Senatorrada Koonfur Galbeed oo Taageeray Go’aanka Maamulka iyo…..
Share

Wararka24: Senatorrada laga soo doortay Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa bayaan wadajir ah soo saaray, iyaga oo caddeeyay taageeradooda mowqifka maamulkaas, gaar ahaan go’aankii xiriirka loogu jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaanka ayaa lagu sheegay: “Anaga oo ah senatarada laga soo doortay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaan si buuxa u taageereynaa go’aanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.”

Senatorrada ayaa sidoo kale xusay in tallaabadan ay ka dhalatay faragelin ay dowladda federaalka ku samaysay maamulka, iyo dhibaato ka dhalatay weeraro abaabulan oo ka dhacay deegaannada Koonfur Galbeed.

Waxay ku adkeeyeen in go’aanka hakinta xiriirka dowladda dhexe uu ahaa mid looga jawaabayo faragelin soo noqnoqotay oo waxyeello u geysatay nidaamka dowladnimada iyo xasiloonida deegaanka.

Sidoo kale, senatorrada ayaa ugu baaqay dowladda federaalka inay ixtiraamto nidaamka federaalka, isla markaana ay ka fogaato faragelinta Koonfur Galbeed.

Goor hore, xildhibaannada Golaha Shacabka ee mucaaradka ku ah Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa iyaguna soo saaray warsaxaafadeed ay ku diideen go’aanka maamulka Koonfur Galbeed, iyaga oo ugu baaqay dowladda dhexe in tallaabo degdeg ah laga qaado, si loo badbaadiyo maamulka loona xaqiijiyo doorasho heshiis lagu wada yahay.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed ayaa weli sii xoogeysaneysa, iyadoo meelaha qaar ay ka socdaan dagaallo toos ah, halka deegaanno kale laga dareemayo abaabul ciidan iyo dhaqdhaqaaqyo muujinaya suurtagalnimada isku dhacyo hor leh.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.