• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Aadan Madoobe oo laga hor istaagay safar uu ku tegi lahaa Baydhaba

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
6 months ago
Reading Time: 2 mins read
Aadan Madoobe oo laga hor istaagay safar uu ku tegi lahaa Baydhaba
Share

Wararka24: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe ayaa baaqday safar uu qorsheynayay inuu ku tegi lahaa magaalada Baydhaba, kadib markii maamulka Koonfur Galbeed uu u diiday inuu gaaro halkaasi.

Warar la helay ayaa sheegaya in diyaarad sidday wafdi hordhac u ah guddoomiyaha oo ay ku jireen qaar ka mid ah ilaaladiisa laga soo celiyay hawada, kadib markii loo ogolaan waayay inay ka dagaan garoonka Shaati Gaduud, taasoo sababtay in ay dib ugu soo laabtaan Muqdisho.

Safarka Aadan Madoobe ayaa la xiriiray dadaallo lagu doonayay in lagu dejiyo xiisadda ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed, balse ma hirgelin, iyadoo maamulkaasi uu hakiyay duulimaadyadii ku socday Baydhaba.

Ilo wareedyo ayaa sidoo kale sheegay in Koonfur Galbeed ay garoonka Baydhaba geysay hub lidka diyaaradaha, islamarkaana ay digniin u dirtay diyaaradaha qaada mas’uuliyiinta dowladda Federaalka iyo xubno mucaarad ah oo khilaaf kala dhexeeyo maamulkaasi.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dooday in go’aankaasi uu la xiriiro sugidda amniga, si looga hortago khataro ay sheegeen inay ka iman karaan dibadda.

Dhanka kale, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin degdeg ah, waxayna ciidamo u dirtay magaalada Baraawe, kuwaas oo la sheegay in ay xoojinayaan amniga iyo joogitaanka dowladda ee halkaasi.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed ayaa weli taagan, iyadoo wararka laga helayo ay muujinayaan dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo suurtagalnimada isku dhacyo hor leh.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.