• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Soomaaliya oo New York ku qabatay kulan horumarinta haweenka

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
6 months ago
Reading Time: 3 mins read
Soomaaliya oo New York ku qabatay kulan horumarinta haweenka
Share

Wararka24: Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa magaalada New York ku qabatay kulan ballaaran oo diiradda lagu saaray horumarinta haweenka Soomaaliyeed, iyadoo ay ka qeyb galeen wakiillo ka socda dowlado iyo hay’ado caalami ah.

Kulanka waxaa si wadajir ah u shir guddoomiyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Maxamed Bashiir Cumar Ibraahim iyo ku xigeenka safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Qaramada Midoobay Amb Andreas Von Uexkull, kuwaas oo hoggaaminayey doodaha ku saabsan xoojinta doorka haweenka.

Shirka oo ka dhacay New York ayaa lagu casuumay dhinacyo kala duwan oo ka shaqeeya arrimaha haweenka, waxaana uu barbar socday shir sanadeedka haweenka adduunka ee halkaas ka socday. Soomaaliya ayaa madasha ku soo bandhigtay xaaladda haweenka iyo caqabadaha ay wajahaan.

Agaasimaha Guud Maxamed Bashiir Cumar ayaa khudbad uu ka jeediyey furitaanka shirka ku faahfaahiyey tallaabooyinka ay dowladda Federaalka Soomaaliya qaadday, oo ay ku jiraan ansixinta sharciyo iyo siyaasado lagu xoojinayo ilaalinta iyo horumarinta haweenka, isagoo sidoo kale uga mahadceliyey taageerada caalamiga ah.

Ka qeybgalayaasha shirka ayaa bogaadiyey dadaallada Soomaaliya ay ku horumarinayso haweenka, iyagoo muujiyey taageero dheeraad ah oo lagu xoojinayo barnaamijyada iyo siyaasadaha la xiriira arrintan.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ay ku dooneyso in ay ku horumariso xaaladda haweenka Soomaaliyeed.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.