Wararka24: Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye, ayaa qoraal toos ah u diray beesha caalamka, isagoo si adag uga horyimid aqoonsiga Somaliland, oo sanadihii dambe uu maamulka Hargeysa ku bixinayay dadaal badan.
SSC oo caalamka uga digtay aqoonsiga Somaliland ayaa ku tilmaamay in Somaliland u qalmin aqoonsi, maadaama uu sheegay in hal reer oo keliya uu maamulkaasi yahay, islamarkaana uusan buuxin karin hal shuruud oo dal lagu noqon karo.
“Somaliland waa hal reer oo gooni-goosad ah oo Isaaq ah, kamana taliyaan SSC iyo Maakhir oo taabacsan DFS. Waxaan u soo jeedinayaa caalamka in uu ixtiraamo midnimada Soomaaliya, taasoo ah xasilloonida Geeska Afrika,” ayuu yiri hoggaamiyaha SSC-Khaatumo.
Sidoo kale, Firdhiye ayaa sheegay in haddii aqoonsiga Somaliland Lasiiyo,

In ay Soomaali oo dhan u midoobeyso inay la dagaalanto Somaliland, sidaas darteedna ay xasiloonida Geeska Afrika ku jirto midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.
Firdhiye ayaa sidoo kale maamulka Somaliland ku eedeeyay taageerada kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish, inkasta oo uusan soo bandhigin wax caddeyn ah oo xaqiijinaya arrintaan.
SSC-Khaatumo, oo haatan ah maamul KMG ah oo ka taliya deegaanadii xooga looga saaray Somaliland, oo ugu horeyso Laascaanood, ayaa si weyn ula dirirsan Somaliland, oo weli sheegata dhulkii laga saaray.
- Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta
- Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.
- Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto
- Fiqi: marnaba kama tanaasulidoona ilaalinta madaxbannaanida dalka somaliyeed
- DF Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dhismaha Maamulka Cusub Ee Guban State
Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

ShareWararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee kala dhaxeeyay Imaaraadka Carabta uusan micnaheedu ahayn in la jaray xiriirka guud ee labada dal. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daud Aweys Jaamac, oo ka hadlayay madasha toddobaadlaha ah ee Warbaahinta Qaranka ee Muqdisho, ayaa difaacay tallaabada dowladda, isaga
Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

ShareWararka24: 23-01-2026 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xalay kulan saacado qaatay xili habeenimo kula yeeshay Moscow, ergayal sare oo ka socday Mareykanka, kuwaas oo wadaay qorshe uu Mareykanku diyaariyay oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine. Xog laheli aya lagu sheegi lataliyaha Kremlin-ka Yuri Ushakov inu ku tilmaamay kulanka mid, daacad ah, hase
Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

ShareHaba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan, ayuu yiri Robert Wilkie, oo ahaa xoghayihii hore ee maamulka Trump. “Raja wanagsan kama qaba arrintan, waxaan u maleynayaa in Putin uu ku jiro xaalad dhimasho ah,” ayuu u sheegay barnaamijka maanta ee BBC Radio 4. “putin


















