
Maamul goboleedka Hir shabelle ayaa shaaca ka qaaday in dagaal ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay Abwaan Nageeye Cali Khaliif, oo dhowaan ku biiray kooxda Al-Shabaab kaddib markii uu iska dhiibay degmada Jilib ee Jubbada Dhexe.
Afhayeenka madaxweynaha HirShabeelle, Daa’uud Xaaji Cirro, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Nageeye iyo xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaal culus oo maanta ka dhacay degmada Alkowsar.
Khawaarijkii Abwaan Nageeye ahaa waxa ku cibaadeystay geesiyaasha qaranka, waxa uuna ku ruux baxay degmada Alkowsar,” ayuu yiri afhayeenka HirShabeelle.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu socday illaa duhurnimadii maanta, iyadoo ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalka lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo baraha bulshada lagu faafiyay sawirro la sheegay inay yihiin maydad ay ka carareen.
Xaaladda degmada Alkowsar ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa qaybo badan oo gobolka Shabeellaha Dhexe ah. HirShabeelle ayaa sheegtay in kacdoon cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab uu ka curtay gobolka, si looga hortago isku dayga kooxda ee dib u qabsashada deegaanadaasi.
Geerida abwaan nageeye ayaa wali ku eg Sheegashada Maamul goboleedka Hirshabelle, warkan aya wali cusub wixi kale oo kasoo kordho waaxan idinla soo socod siin doona..
Falanqeynta Geerida abwaan nageeye ee baraha Bulshada somalida, (social media)
Idiris Alteeso oo bartisa Facebook so dhigay,
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Dagaal culus oo ka dhacay degmada Alkowthar ee gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay Abwaan Nageeye.
Inkastoo warkaan wali si rasmi ah loo hubin, hadana saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegaya in Abwaan Nageeye uu kamid ahaa saraakiil sarsare oo AS ka tirsan oo maanta looga dilay deeganada waqooyi bari ee gobolka Sh/dhexe.
Bashir Hashi Yussuf Ayaa isna bartisa X (Twitter) so dhigay,
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in maanta Abwaan Nageeye oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab iyo saaxiibkiis lagu dilay dagaal ka dhacay Al-Kawthar ee gobolka Shabeellaha Dhexe #Somalia.
Waxa xusid mudan in labadan dableyda ahi ay asal ahaan ka soo jeedaan Somaliland ee Soomaaliya
Treanding
- Xamse Cabdi Oo manta u Safray Shiinaha, Maxa Cusub?
- Wasiirada Ciyaaraha Puntland Oo Sheegtay Inaysan Tahriibin?
- Dr. adan Musharraxii Garabka Firdhiye oo ku guulaystay GuddoomIyaha baarlamaanka GWB
- DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari
- Fiqi iyo Rooble Oo Hadallo Kulul Is Dhaafsaday, Xiisadda oo sii kululaatay
Wasiirada Ciyaaraha Puntland Oo Sheegtay Inaysan Tahriibin?
ShareWasiirada Ciyaaraha ee maamulka Puntland ayaa xaqiijisay inay haatan ku sugan tahay dalka Germany, iyadoo sheegtay in safarkeeda uu la xiriiro xaalad caafimaad. Bayaan ay soo saartay Wasiiradu, ayaa lagu caddeeyay in safarkeeda aanu ahayn mid tahriib ah, sida ay baraha bulshada qaar ku faafiyeen, balse uu ku saabsan yahay arrimo caafimaad oo ay u…
Dr. adan Musharraxii Garabka Firdhiye oo ku guulaystay GuddoomIyaha baarlamaanka GWB
ShareDr. Adan Cabdullahi Awxasan ayaa maanta ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Waqooyi-Bari, kadib doorasho xiiso badan oo ay si weyn isugu heysteen garabyada siyaasadda gobolka. Dr. Adan oo kasoo jeeda beesha Hawiye, Cayr, Fiqishini, ayaa ahaa musharrax si toos ah ay u taageerayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo garabka uu hoggaamiyo Madaxweyne Firdhiye. Guushiisa…