
Waxaa goordhow lasoo afjaray weerarkii xooganaa ee ay shalay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadeen hoteelka Qaahira, oo ku yaalla galbeedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Weerarka oo socday ku dhawaad 24 saac, ayaa ku billowday qaraxyo xooggan oo lala beegsaday hoteelka kadibna isku badalay daagaal toos ah, sida ay wararka sheegayan hotelka waxaa dagana odayaal dhaqameed iyo saraakiil ciidan..
Khasaaraha weerarka Hotel qaahira Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan

Inta la xaqiijiyay, weerarkan waxaa ku dhintay 7 ruux, oo isugu jiray Nabadoonno, saraakiil ciidan, iyo dad shacab ah, halka tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.
Guddoomiyaha degmada Beledweyne, Cumar Calasow, oo shir jaraa’id qabtay wuxu universal tv u sheegay in kooxdii weerarka soo qaaday ay ahaayeen 6 nin, kuwaas oo:
- 4 is qarxiyeen
- 2 ay toogteen ciidamada ammaanka
Wuxuu sheegay in ciidamadu ay si taxadar leh uga dhex dagaallameen hoteelka, si loo badbaadiyo odayaashii dhaqanka, saraakiisha, iyo shacabka ku jiray dhismaha.
“Ciidamadu waxay ku guuleysteen inay gudaha u galaan hoteelka, waxayna toogasho ku dileen dhagar-qabayaashii ka dhex dagaalamayay. Hadda baaritaanno ayaa socda si loo xaqiijiyo in qaraxyo kale lagu xiray dhismaha,” ayuu yiri guddoomiyaha.
Nabadoon ka badbaaday weerarka oo ka hadlay
Mid ka mid ah Nabadoonnada ka badbaaday weerarka ayaa faahfaahin ka bixiyay wixii dhacay:
“Salaaddii subax annaga oo cibaado ku jirna ayay nagu dhufteen gaari nooca Leylo ah oo qarax ay ku soo rareen. Kadibna, rag hubeysan oo aan ku qiyaasay 6 ilaa 7 qof ayaa gudaha usoo galay. Aniga iyo rag kale aad ayaan u dagaallannay,” ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in markii hore ay iska caabiyeen kooxda weerarka qaaday, balse dagaalku uu sii xoogeystay markii mid ka mid ah dableydii weerarka qaaday uu is qarxiyay.
HirShabelle oo dagaal adag kula jirta Al-Shabaab
Weerarkan wuxuu kusoo aadayaa xilli gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab. Maleeshiyaadka ayaa la sheegay inay mar kale isku dayayaan inay dib ugu soo laabtaan deegaanno horey looga xoreeyay.
Magaalada Beledweyne, oo ah xarunta kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaa horey ula kulantay qaraxyo iyo weeraro hor leh, kuwaasoo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
📌 Wararka24 – Xog rasmi ah & Faahfaahin degdeg ah