Wararka24: Mareykanka ayaa lagu warramayaa inuu dib u eegayo qaar ka mid ah cunaqabateyntii saarneyd Eritrea, taas oo muujin karta isbeddel cusub oo ku yimid siyaasadda Washington ee ku wajahan Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.
Warbixinno diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in maamulka Mareykanka uu doonayo inuu xoojiyo xiriirka uu la leeyahay Eritrea, xilli ay sii kordhayaan caqabadaha amni ee ka jira Badda Cas, weerarrada lagu hayo maraakiibta ganacsiga iyo loollanka quwadaha waaweyn ee gobolka.
Eritrea ayaa leh xeeb dheer oo ku teedsan Badda Cas, waxaana ku yaalla dekedaha muhiimka ah ee Massawa iyo Assab. Dekedda Assab ayaa si gaar ah loo daneynayaa maadaama ay ku dhowdahay marin-biyoodka Bab el-Mandeb oo ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ganacsiga caalamka.
Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in mas’uuliyiin Mareykan ah iyo madaxda Eritrea ay yeesheen wada-hadallo lagu doonayo in dib loogu soo celiyo xiriirka labada dhinac, kadib sannado ay jireen xiisado iyo go’doon siyaasadeed.
Muddo dheer Eritrea waxay wajahaysay cunaqabateyn iyo cadaadis caalami ah oo la xiriiray eedeymo ku saabsan xuquuqda aadanaha iyo doorkeedii dagaalkii Tigray ee Itoobiya. Si kastaba, falanqeeyayaal badan ayaa aaminsan in muhiimadda juqraafiyeed ee dalkaasi ay hadda ka dhigtay lama huraan in dib loo qiimeeyo xiriirka lala leeyahay.
Isbeddel kasta oo ku yimaada xiriirka Mareykanka iyo Eritrea wuxuu saameyn ku yeelan karaa dalal badan oo gobolka ah, gaar ahaan Itoobiya oo muddo dheer ahayd saaxiibka ugu weyn ee Washington ku lahayd Geeska Afrika.
Sidoo kale, khubarada ayaa sheegaya in tartanka ku saabsan dekedaha iyo marin-biyoodka Badda Cas uu galay marxalad cusub, iyadoo quwadaha caalamka ay sii kordhinayaan danahooda amni iyo kuwa dhaqaale ee gobolka.
Eritrea oo muddo badan ku jirtay go’doon siyaasadeed ayaa hadda u muuqata dal mar kale soo jiitay indhaha quwadaha waaweyn, taas oo ka dhigaysa mid kaalin muhiim ah ka ciyaari karta mustaqbalka Badda Cas iyo Geeska Afrika.


















