Wararka24: Warbixin cusub oo ay soo bandhigtay Khadija Mamouni, oo ka tirsan xarun daraasaad oo ku taalla dalka Morocco, ayaa sheegtay in burcad-badeedda Soomaalida ay sii kordhiyeen adeegsiga tiknoolajiyadda casriga ah, iyagoo isticmaalaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) iyo nidaamyada GPS-ka si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa maraakiibta mara biyaha gobolka.
Sida lagu sheegay warbixinta, kooxaha burcad-badeedda ayaa beddelay qaabkii hore ee howlgaladooda, iyagoo hadda adeegsanaya habab qorsheysan oo ku dhisan xog uruurin iyo farsamooyin casri ah. Waxaa sidoo kale la sheegay inay ka faa’iideysanayaan doomaha dhaqanka ee loo yaqaan dhows si loogu fuliyo weerarro ka dhan ah maraakiibta ganacsiga.
Khubarada amniga badda ayaa tilmaamay in weerarrada burcad-badeedda ay dib u soo laba kacleeyeen bilihii la soo dhaafay, kadib muddo ay yaraadeen. Waxay sheegeen in kooxahan ay hadda adeegsadaan tiro badan oo weeraryahanno ah iyo xeelado ka horumarsan kuwii hore.
Christopher Hockey, oo ka mid ah khubarada amniga badda, ayaa sheegay in weerarkii lagu afduubtay markabka MT Eureka ay ka qeyb qaateen ku dhowaad 30 qof, taas oo muujineysa isbeddel ku yimid qaabka iyo awoodda howlgalada burcad-badeedda.
Warbixinnada amniga ayaa sidoo kale tilmaamaya in xaaladaha ka jira Badda Cas iyo marin-biyoodka Hormuz ay abuureen jawi ay kooxaha burcad-badeeddu uga faa’iideysan karaan dhaq-dhaqaaqa maraakiibta. Maraakiib badan ayaa beddelay waddooyinkoodii caadiga ahaa, taas oo kordhisay isticmaalka marinno mara xeebaha Bariga Afrika.
Burcad-badeedda ayaa la sheegay inay weli adeegsadaan doomo dheereeya iyo hub fudud marka ay weerarayaan maraakiibta ay bartilmaameedsanayaan. Khubaradu waxay ka digayaan in isku darka tiknoolajiyadda casriga ah iyo xeeladaha militari ay sare u qaadi karto halista amni ee ka jirta biyaha gobolka.
Khatarta amni ayaan ku koobnayn maraakiibta ganacsiga oo keliya. Warbixinnada ayaa muujinaya in maraakiibta dalxiiska ay sidoo kale qaadeen tallaabooyin dheeraad ah oo dhinaca amniga ah marka ay marayaan goobaha loo arko inay khatar ka jirto.


















