Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibbada caalamka ay fuliyeen duqeymo lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in howlgaladaasi ay ka dhaceen deegaannada Gayfo, Ruun Idiris iyo Cali Gaduud, halkaas oo lagu beegsaday xarumo ay kooxda Al-Shabaab u adeegsan jirtay tababar, kaydinta hubka iyo abaabulka weerarada.
Sida ay sheegtay wasaaraddu, duqeymihii dhacay 24-kii iyo 25-kii Juun ayaa lagu burburiyay xarumo iyo saldhigyo ay kooxdaasi ku lahayd deegaannadaasi, iyadoo sidoo kale la bartilmaameedsaday xubno la sheegay inay isku diyaarinayeen howlgallo cusub.
Dowladdu waxay sheegtay in howlgaladaasi lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana lagu burburiyay laba gaari, saddex mootooyin, hub iyo saanad ciidan oo ay kooxdaasi adeegsanaysay.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xustay in howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan, iyadoo uga mahadcelisay saaxiibbada caalamka taageerada ay ka geystaan dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan sheegtay inay kordhisay howlgallada militari iyo duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada bartamaha iyo koonfurta dalka.


















