Wararka24: 7-02-2026 Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday inuusan aqoonsaneyn go’aanka Baarlamaanka ee wax ka beddelka dastuurka dalka, isaga oo sheegay in habraaca loo maray uusan waafaqsaneyn sharciga.
War-saxaafadeed kasoo baxay xisbiga ayaa lagu sheegay in wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo dastuurka uu ku imaan karo oo kaliya hannaan sharci ah oo ay ka qayb qaataan dhammaan hay’adaha dastuuriga ah ee dalka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
Xisbiga Himilo Qaran ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu diiradda saaro qabashada doorasho lagu heshiiyo si looga fogaado qalalaase siyaasadeed iyo hubanti la’aan ku timaadda mustaqbalka dowladnimada dalka.
Baaqa xisbiga ayaa kusoo aadaya kadib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen wax ka beddelka cutubyada muhiimka ah ee dastuurka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa sheegay in dastuurka cusub uu dhigayo in muddada xil-heynta Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ay noqoto shan sano, taas oo ka dhigan in Madaxweynaha xilka sii hayn doono ilaa bisha May 2027.
Dhanka kale, siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ayaa diidmo ka muujiyay dhaqan gelinta dastuurka cusub, iyagoo sheegay in geeddi-socodka ansixintiisa lagu muransan yahay.


















