Wararka24: Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka ayaa wajahaysa cadaadis cusub oo la xiriira lacagaha ay u diraan qoysaskooda ku sugan Soomaaliya, kadib tallaabooyin cusub oo uu qaaday maamulka Madaxweyne Donald Trump.
Warbixinno ayaa sheegaya in maamulka Mareykanka uu kordhiyay kormeerka iyo shuruudaha lagu maamulayo lacagaha dibadda loo diro, gaar ahaan kuwa loo diro Soomaaliya.
Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah olole lagu magacaabo “Operation Metro Surge” oo la bilaabay bishii December ee sanadkii hore.
Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa amar ku bixisay in shirkadaha xawaaladaha iyo bangiyada ku yaalla qaar ka mid ah gobollada ay si gaar ah ula socdaan lacagaha gaaraya $3,000 ama ka badan ee loo diro Soomaaliya iyo dalal kale.
Sidoo kale waxaa la soo rogay canshuur dhan 1% oo lagu kordhiyay lacagaha dibadda loo diro.
Ganacsato iyo xubno ka tirsan bulshada Soomaaliyeed ee Mareykanka ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay saameyn ku yeelan karaan qoysas badan oo ku tiirsan lacagaha xawaaladaha.
Lacagaha ay qurba-joogta u diraan Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa in ay gaarayaan balaayiin doolar sanadkii, waxayna kaalin muhiim ah ka ciyaaraan nolosha qoysaska iyo dhaqaalaha dalka.
Dhinaca kale, qaar ka mid ah khubarada dhaqaalaha ayaa sheegay in xeerarkan cusub ay hoos u dhigi karaan dirista lacagaha, taas oo saameyn ku yeelan karta qoysaska ku nool gudaha Soomaaliya ee ku tiirsan taageerada eheladooda dibadda.


















