Wararka24: Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriya Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa digreeto rasmi ah soo saaray oo uu ku magacaabay Abuubakar Bashiir Maxamed inuu noqdo La-taliyaha Sare ee Arrimaha Carabta iyo Islaamka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha xil sare ee u magacaabay Abubakar Bashiir ayaa muujinaysaa sida ay u sii xoojinayaan xiriirka Soomaaliya iyo dalalka Carbeed. Magacaabistaan ayaa qayb ka ah qorshaha kor u qaadista xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo dawladaha Carabta, gaar ahaan iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay ururo badan oo Carbeed.
Dhinaca kale, magacaabistaan ayaa ka dhalatay falcelin xooggan oo ka soo kacay qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa isticmaala baraha bulshada. Qaar ka mid ah dadka ayaa sheegay in xilka la-taliye uusan macno weyn ku lahayn, halka qaar kale ay u arkaan inuu yahay magacaabid aan loo baahnayn oo kaliya loogu talagalay in qofkaas loo qoro “biil.”
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa horay u magacaabay tiro badan oo la-taliyeyaal,
kuwaas oo ay ku jiraan qaar aan la ogeyn waxa ay kusoo kordhiyaan dowladnimada Soomaaliya.
- 148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay
- dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?
- LIVE: Wararka maanta soomalia, DF ayaa qaadatay in Jubbaland cusub la sameeyo..
- LIVE: Wararki maanta caalamka: Trump oo waayey bilad uu aad u rabay in lasiiyo..?
- LIVE: War Deg Deh Ah: Puntland oo taageerey Heshiiska ay lagaleen Somaliland?
148 Muwaadiniin oo laga soo ciliyey dalka dibadisa oo Muqdisho lagu soo dhoweeyay
ShareMuqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay magaalada Muqdisho kusoo dhoweysay 148 muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo daadgureeyay dalka Yemen, iyadoo kaashaneysa hay’adaha gargaarka caalamiga ah. Muwaadiniintan oo isugu jira rag, dumar iyo carruur ayaa lagu soo celiyay diyaarad khaas ah oo si toos ah uga timid Yemen, kadib markii ay halkaas…
dilkii argagaxa lahaa ee loo geystay Hooyo iyo Carruurteeda oo war cusub kasoo baxay?
ShareDhuusamareeb –Kadib dilkii argagaxa Ciidamada ammaanka ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay laba ka mid ah saddex eedeysane oo lagu tuhunsan yahay in deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud ku dileen hooyo iyo saddex carruur ah oo ay dhashay. Howlgalka oo socday ku dhowaad 24 saacadood ayaa la sheegay inuu si gaar ah loogu beegsaday rag…
LIVE: Wararka maanta soomalia, DF ayaa qaadatay in Jubbaland cusub la sameeyo..
Share Share