Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda ay si buuxda uga go’an tahay gogosha wada-hadalka ay fidisay, isla markaana ay mar walba u furan tahay dhammaan dhinacyada siyaasadda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan sheegay kaddib kulan uu xalay la yeeshay xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha siyaasadeed ee ugu dambeeyay ee dalka iyo diyaar-garowga wada-hadallada la filayo inay dhex maraan Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka.
Xamse Cabdi Barre ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda mideynta dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha Khawaarijta, iyo in si wadajir ah looga hortago faragelinta shisheeye ee lagu sameeyo dalka, isagoo xusay in wada-hadalka qaran uu yahay dariiqa ugu habboon ee lagu gaari karo xal waara oo laga gaaro khilaafaadka siyaasadeed.
Hadalladan Ra’iisul Wasaaraha ayaa yimid kaddib dhacdo ay Golaha Mustaqbalka ku tilmaameen is-hortaag ay ciidamada ammaanku ku sameeyeen Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, xilli ay ku wajahnaayeen kulan ka dhacay Hotel Airport ee ku yaalla gudaha garoonka Aadan Cadde.
Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay inay ka go’an tahay ka qeybgalka wada-hadallada lagu jaangoynayo jihada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan sidii heshiis loo wada dhan yahay looga gaari lahaa hannaanka doorashooyinka, loogana baaqsan lahaa firaaq dastuuri ah iyo khilaaf siyaasadeed oo daba dheeraada.


















