Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Cabdiraxmaan Cirro oo sheegay in uu socdo heshiis ganacsi oo Itoobiya dhexmaraya

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in uu wado dadaallo lagu raadinayo maalgashi dibadda ah, isagoo tilmaamay in Somaliland la doonayo in loo abuuro deegaan ku habboon ganacsiga iyo maalgelinta.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 13, 2026, 5:38 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Cabdiraxmaan Cirro oo sheegay in uu socdo heshiis ganacsi oo Itoobiya dhexmaraya
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in uu wado dadaallo lagu raadinayo maalgashi dibadda ah, isagoo tilmaamay in Somaliland la doonayo in loo abuuro deegaan ku habboon ganacsiga iyo maalgelinta.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay CNN Business Arabic, ayuu Cirro ku sheegay in heshiis ganacsi oo u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya uu marayo marxalad gebogebo ah. “Waxaan Itoobiya la wadnaa heshiis ku saabsan xamuulka, waxaana rajeynayaa in si dhow loo soo gabagabeeyo,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Somaliland ayaa xusay in maamulka uu doonayo in uu dhiso jawi nabdoon oo ganacsigu ku horumaro, isagoo sheegay in Somaliland ay u furan tahay maalgashi dibadeed, gaar ahaan dhinacyada macdanta, shidaalka iyo gaaska. Wuxuu intaas ku daray in maalgashadayaasha la siinayo dhiirrigelinno ay ka mid yihiin cashuur-dhaaf muddo xaddidan ah si loo soo jiito shirkado caalami ah.

Cirro ayaa sheegay in laba shirkadood ay qorsheynayaan inay bilaabaan hawlaha sahminta iyo soo saarista shidaalka Somaliland sannadka 2027. Waxa kale oo uu tilmaamay in maamulka uu ku hawlan yahay fududeynta nidaamka maalgashiga, isagoo xusay in la doonayo in bangiyo caalami ah laga furo Hargeysa si loo dardargeliyo ganacsiga iyo maalgelinta.

“Somaliland waxay hodan ku tahay macdanta, shidaalka iyo gaaska, kheyraadka badda, dalxiiska, dhul beereedka iyo fursado kale oo badan,” ayuu yiri Cirro.

Dhanka kale, madaxweynaha Somaliland ayaa wareysi uu hore u siiyay Reuters ku sheegay in ay jiraan wada-hadallo la xiriira heshiisyo ganacsi oo ku saabsan macdanta qaaliga ah, isaga oo xusay in maamulka uu raadinayo suuqyo iyo teknoolojiyad casri ah oo lagu horumarinayo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

16 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

16 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.