Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Xamse Cabdi Barre oo oo sheegay in dowladdu ka go’an tahay gogosha wada hadal ee…..

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda ay si buuxda uga go’an tahay gogosha wada-hadalka ay fidisay, isla markaana ay mar walba u furan tahay dhammaan dhinacyada siyaasadda.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 13, 2026, 5:21 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
Xamse Cabdi Barre oo oo sheegay in dowladdu ka go’an tahay gogosha wada hadal ee…..
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in dowladda ay si buuxda uga go’an tahay gogosha wada-hadalka ay fidisay, isla markaana ay mar walba u furan tahay dhammaan dhinacyada siyaasadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan sheegay kaddib kulan uu xalay la yeeshay xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha siyaasadeed ee ugu dambeeyay ee dalka iyo diyaar-garowga wada-hadallada la filayo inay dhex maraan Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka.

Xamse Cabdi Barre ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda mideynta dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha Khawaarijta, iyo in si wadajir ah looga hortago faragelinta shisheeye ee lagu sameeyo dalka, isagoo xusay in wada-hadalka qaran uu yahay dariiqa ugu habboon ee lagu gaari karo xal waara oo laga gaaro khilaafaadka siyaasadeed.

Hadalladan Ra’iisul Wasaaraha ayaa yimid kaddib dhacdo ay Golaha Mustaqbalka ku tilmaameen is-hortaag ay ciidamada ammaanku ku sameeyeen Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, xilli ay ku wajahnaayeen kulan ka dhacay Hotel Airport ee ku yaalla gudaha garoonka Aadan Cadde.

Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay inay ka go’an tahay ka qeybgalka wada-hadallada lagu jaangoynayo jihada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan sidii heshiis loo wada dhan yahay looga gaari lahaa hannaanka doorashooyinka, loogana baaqsan lahaa firaaq dastuuri ah iyo khilaaf siyaasadeed oo daba dheeraada.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

16 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

16 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.