
Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay qaaday tallaabo adag oo ku aaddan xaaladda degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, Balcad ayaa toddobaadkii hore ay gudaha u soo galeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab taas oo amnigeeda qalqal galisay.
Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, oo ay ka mid yihiin saraakiisha laamaha amniga, ayaa xalay gaaray degmada Balcad, halkaas oo ay ka sameeyeen kormeer ballaaran si ay ugu kuur galaan xaaladda amniga degmada.
Mas’uuliyiinta booqatay degmada waxaa ka mid ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi, Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir, Cabdifitaax Shaaweeye, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Booliska Militariga.
Intii ay ku sugnaayeen Balcad, mas’uuliyiinta federaalka ayaa la kulmay maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo kala hadlay xaaladda amniga iyo dadaallada lagu xoojinayo difaaca magaalada.
Guddoomiye Maxamed Yabooh, oo si kooban ula hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in kormeerka ay ku sameeyeen Balcad uu la xiriiray xoojinta amniga. Wuxuu xusay in xaalada degmada ay dagan tahay, isla markaana Balcad ay tahay mid ka mid ah meelaha muhiimka u ah difaaca caasimadda Muqdisho.
Wuxuu intaas ku daray in aysan jirin khatar muuqata, isagoo uga digay dadka bulshada marin habaabinaya inay ka fogaadaan faafinta warar aan sal iyo raad lahayn.
“Dadka isku dayaya inay bulshada marin habaabiyaan haka digtoonaadaan, amniga Muqdisho, Afgooye iyo Balcad waa mid isku xiran,” ayuu yiri Yabooh.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Degmada Balcad, Qaasim Cali Nuur, oo soo dhaweeyay booqashada mas’uuliyiinta, ayaa sheegay in amniga magaalada uu yahay mid wanaagsan.
“Al-Shabaab ma qabsan karto magaalada Balcad, wararka been abuurka ahna waa in la joojiyaa. Waxaan wadnaa howlgallo joogto ah oo lagu xaqiijinayo amniga,” ayuu yiri guddoomiyaha.
Tallaabadan ay qaaday dowladda federaalka ayaa kusoo beegmaysa xilli ay kooxda Al-Shabaab bilihii la soo dhaafay kordhisay weerarada ay ka fuliso gobolka Shabeelaha Dhexe. Ciidamada dowladda iyo kuwa isbaheysanaya ayaa si buuxda u adkeeyay difaacyada si looga hortago isku dayga kooxda ee ah inay dib ugu soo laabtaan deegaanno horay looga saaray.
Al shabaab ayaa 20ka Febraayo lawareegtay Degmada Ceelbaraf ee Gobalba Shabeelada Dhexe Ciidamadii ku sugnaa degmada ayaa la sheegay in ay isaga baxeen, ka dib markii ay ka war heleen in Shabaabka ay ku soo wajahan yihiin. Wararka ayaa sidoo kale sheegay in Shabaabku ay guryaha qaarkood kala baxeen tiro dad ah, iyadoo aan la ogeyn waxa dadkaasi ay ka damacsan yihiin..
Dowlada ayaa cadaadis xoogan saareysa al shabaab Howlgallo milatari oo qorshaysan ayaa si xooggan uga socda Degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ciidamada dowladda iyo kuwa difaaca shacabka ay hareereeyeen maleeshiyada Al-Shabaab ee dhowaan qabsaday magaalada.


Wararka manta
Wasiirada Ciyaaraha Puntland Oo Sheegtay Inaysan Tahriibin?
ShareWasiirada Ciyaaraha ee maamulka Puntland ayaa xaqiijisay inay haatan ku sugan tahay dalka Germany, iyadoo sheegtay in safarkeeda uu la xiriiro xaalad caafimaad. Bayaan ay soo saartay Wasiiradu, ayaa lagu caddeeyay in safarkeeda aanu…
Dr. adan Musharraxii Garabka Firdhiye oo ku guulaystay GuddoomIyaha baarlamaanka GWB
ShareDr. Adan Cabdullahi Awxasan ayaa maanta ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Waqooyi-Bari, kadib doorasho xiiso badan oo ay si weyn isugu heysteen garabyada siyaasadda gobolka. Dr. Adan oo kasoo jeeda beesha Hawiye,…
DEGDEG: Amran Axmed Xasan Oo Loo Doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Waqooyi-Bari
ShareMarwo Amran Axmed Xasan ayaa maanta loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Baarlamaanka Waqooyi-bari. Doorashadeeda ayaa noqotay guul kale oo ay xildhibaanada taageersan Madaxweyne Firdhiye ka gaareen tartankii siyaasadeed ee golaha ka dhex…