Wararka24: Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa si kulul uga hadlay hadalladii kasoo yeeray madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, kuwaas oo la xiriiray xaaladda kacsan ee ka taagan maamulkaasi.
Lafta-gareen oo shir jaraa’id ku qabtay Baydhaba ayaa eedeymo u jeediyay dowladda Federaalka, isaga oo sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda ay door ku lahaayeen dagaallo ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Baay.
Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay wasiirro ka tirsan dowladda dhexe inay lug ku leeyihiin abaabulka colaadaha, isla markaana uu jiro isku xirnaan uu tilmaamay inay ka dhexeyso dowladda Federaalka iyo Al-Shabaab.
Wasiir Jaamac oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in Lafta-gareen uu dhammaaday muddo xileedkiisa, balse uu ku sii joogay isfaham siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu intaas ku daray in maamulka Koonfur Galbeed aan loo ogolaan doonin in uu noqdo meel lagu qabto qorshayaal siyaasadeed oo dib u dhigaya doorashooyinka, isaga oo xusay in la doonayo doorasho qof iyo cod ah.
Xiisadda u dhexeysa dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa sii xoogeysaneysa, iyadoo hadallada is dhaafsiga ah ay sare u qaadayaan walaaca laga qabo xaaladda amni iyo midda siyaasadeed.


















