• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Wednesday, August 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dekadaha Muqdisho iyo Berbera oo loo aqoonsaday kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika?

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
11 months ago
Reading Time: 2 mins read
dekadaha Muqdisho

Wararka Ugu Aqrintabadan

‎Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed‎

‎Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed‎

16 hours ago
Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba

Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba

2 days ago
Load More
Share

Muqdisho, Sept 28, 2025 (Wararka24) – Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dekadaha Muqdisho iyo Berbera loo aqoonsaday kuwa ugu waxqabadka wanaagsan Bariga Afrika sannadkii 2024, sida lagu sheegay warbixin cusub oo uu soo saaray halbeegga CPPI (Container Port Performance Index).

Warbixinta CPPI, oo ay si wadajir ah u diyaariyeen Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Xog-uruurinta Suuqa Caalamiga ah, ayaa lagu qiimeeyay 407 dekadood oo caalami ah, oo ay ku jiraan 47 dekadood oo ku yaalla qaaradda Afrika.

Nidaamka qiimeynta ayaa lagu saleeyay waqtiga ay maraakibtu ku qaadato inay yimaadan dekedda iyo waqtiga uu kaga dhamaado dekada, taas oo si toos ah u muujinaysa heerka waxqabadka iyo hufnaanta dekedaha.

Sida lagu sheegay warbixinta ay Wasaarada soo saartay, dekadda Muqdisho ayaa ka gashay kaalinta koowaad ee Bariga Afrika iyo kaalinta 163-aad ee dekadaha adduunka oo dhan, halka dekadda Berbera ay gashay kaalinta labaad ee Bariga Afrika iyo kaalinta 243-aad ee caalamka. Tani waxay ka dhigan tahay in labada dekadood ay ka waxqabad wanaagsan yihiin dekedo ka fac weyn oo gobolka ku yaalla, isla markaana ay ka mid noqdeen dekedaha la tartami kara kuwa caalamka.

dekadaha Muqdisho

Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa sheegtay in guushan ay ka dhalatay dadaallo ballaaran oo lagu hagaajinayo tayada adeegyada, maamulka nidaamyada shaqada iyo iskaashiga dowladda iyo ganacsatada.

Sidoo kale, waxaa lagu xusay in maalgashiga lagu sameeyay dekadda Muqdisho uu suurageliyay ballaarinta iyo casriyeynta adeegyada, iyadoo xarumo cusub oo terminal ah la hirgeliyay. Tallaabooyinkaas ayaa dekadda Muqdisho ka dhigay mid si buuxda uga qeyb qaadata tartanka dekedaha waaweyn ee qaaradda Afrika, sida Dekedda Saciid (Masar), Tangar (Marooko), Dakar (Senegal) iyo Toamasina (Madagascar).

“Dekedaha Soomaaliyeed waxay caddeeyeen in haddii la sameeyo maamul hufan iyo adeeg tayo leh ay awood u leeyihiin inay tartan la galaan dekedaha caalamka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda.

Wasaaradda ayaa sidoo kale bogaadisay maamulka dekedaha iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee door weyn ka qaatay horumarinta adeegyada iyo xoojinta kaabeyaasha ganacsiga. Waxaa lagu tilmaamay in dekeduhu yihiin laf-dhabarta horumarka, isla markaana ay gacan ka geystaan kobcinta dhaqaalaha iyo fursadaha ganacsi ee dalka.

Share
Tags: Berbera somalilanddekadaha Muqdishowararka mantawararka somalia
Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka cabasho sheegay isticmaalka (AI) garaadka macmalka.

Next Post

DAAWO: Koko oo kamid ah yuutubarada ugu caansan Soomaalida ayaa la ilmeeysay dhacdo ku qabsatay Muqdisho..

Related Posts

‎Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed‎

‎Shiinaha oo maraakiib dagaal oo cusub u diraya Gacanka Cadmeed‎

by Amin Cali Abdi
16 hours ago

Wararka24: Shiinaha ayaa bartamaha bishan Agoosto u diri doona maraakiib dagaal oo cusub Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya,...

Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba

Itoobiya oo ciidamadeeda AUSSOM kala baxday degmada Buurhakaba

by Amin Cali Abdi
2 days ago

Wararka24: Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa ka baxay degmada Buurhakaba...

Doorashada guddoomiyaha golaha shacabka oo berri ka dhaceysa Muqdisho

Doorashada guddoomiyaha golaha shacabka oo berri ka dhaceysa Muqdisho

by Amin Cali Abdi
2 days ago

Wararka24: Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay berri ka dhacdo magaalada Muqdisho,...

Puntland oo la wareegtay taliskii saddexaad ee ciidama ka amarqaata DF oo ku yaalla Carmo

Puntland oo la wareegtay taliskii saddexaad ee ciidama ka amarqaata DF oo ku yaalla Carmo

by Amin Cali Abdi
4 days ago

Wararka24: Puntland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay talis ciidan oo ku yaalla deegaanka Carmo ee gobolka...

Madaxweyne Cirro oo Soomaaliya ku eedeeyay faragelin lagu hayo Somaliland

Madaxweyne Cirro oo Soomaaliya ku eedeeyay faragelin lagu hayo Somaliland

by Amin Cali Abdi
4 days ago

Wararka24: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay faragelin ku hayso arrimaha...

Soomaaliya oo laba tartame u dirtay tartanka caalamiga ah ee Qur’aanka Sacuudiga

Soomaaliya oo laba tartame u dirtay tartanka caalamiga ah ee Qur’aanka Sacuudiga

by Amin Cali Abdi
5 days ago

Wararka24: Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sagootisay laba arday oo dalka ku matalaya...

Load More
Next Post
Koko

DAAWO: Koko oo kamid ah yuutubarada ugu caansan Soomaalida ayaa la ilmeeysay dhacdo ku qabsatay Muqdisho..

Faysal Cali Waraabe

Daawo: Faysal Cali Waraabe, Xasan Sheekh waxaa inagaga xun Ismaaciil Cumar Geelle" 

Shiinaha: Wasiir hore ayaa lagu xukumay dil toogasho ah?

Shiinaha: Wasiir hore ayaa lagu xukumay dil toogasho ah?

Recommended

Itoobiya oo Ciidamo Dhoobtay Xuduudda Waqooyi Iyadoo Xiisaddu Kacsan Tahay

Itoobiya oo Ciidamo Dhoobtay Xuduudda Waqooyi Iyadoo Xiisaddu Kacsan Tahay

5 months ago
Wasaaradda Tamarta oo qabatay kulanka mashruuca koronto-gelinta bulshooyinka aan korontada helin

Wasaaradda Tamarta oo qabatay kulanka mashruuca koronto-gelinta bulshooyinka aan korontada helin

5 months ago
Diyaarad sidday ciyaartooy oo ku burburtay Faransiiska iyo khasaraha

Diyaarad sidday ciyaartooy oo ku burburtay Faransiiska iyo khasaraha

1 month ago
Sacuudiga iyo laba dal oo ka faa’iiday dagaalka Iiraan, dalalka ku khasaaray

Sacuudiga iyo laba dal oo ka faa’iiday dagaalka Iiraan, dalalka ku khasaaray

4 months ago
Suuragal ma tahay in Madaxtooyada Baydhaba ay ilaaliyaan ciidan Soomaaliyeed?

Suuragal ma tahay in Madaxtooyada Baydhaba ay ilaaliyaan ciidan Soomaaliyeed?

4 months ago
Maraykanka oo 23 duqayn ah ka fuliyay Soomaaliya bishii Janaayo

Maraykanka oo 23 duqayn ah ka fuliyay Soomaaliya bishii Janaayo

6 months ago
Aadan Madoobe oo ku wajahan Baydhabo xilli ay siyaasadda kacsan tahay

Aadan Madoobe oo ku wajahan Baydhabo xilli ay siyaasadda kacsan tahay

4 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.