Wararka24: Wasiir Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Faarax, ayaa shir guddoomiyay kulan lagu hagayay laguna isku dubbaridayay mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika (African Mini-Grid Program).
Kulankan oo ah mid sanadkiiba mar la qabto ayaa diiradda lagu saaray horumarinta helitaanka koronto nadiif ah oo gaarta bulshooyinka aan wali helin adeegga korontada, gaar ahaan deegaannada ka fog magaalooyinka waaweyn.
Intii uu socday kulanka ayaa lagu soo bandhigay waxqabadkii mashruuca ee sanadkii la soo dhaafay, caqabadihii ka hor yimid fulintiisa iyo qorshayaasha la hiigsanayo sanadkan si loo ballaariyo adeegyada korontada.
Kulanka waxaa ka qeyb galay khubaro iyo farsamayaqaanno ka shaqeeya hirgelinta mashruuca, iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka socday hay’adaha dowladda ee uu khuseeyo, oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.























