
Wararka24: Taliyaha Ciidanka Dhulka ee DFS, Sahal Cabdullaahi Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed), ayaa gaaray deegaanka Xalfooley, oo ku yaalla xadka gobollada shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Xalfooley ayaa muddo dheer ahayd marin muhiim u ah Al-Shabaab, oo ka faa’iidaysanayay colaadaha beelaha ka taagnaa deegaanka. Inkasta oo ciidamada Macawiisleyda ay horey ula dagaallamayeen Al-Shabaab, haddana khilaafyada beelaha deegaanka ayaa hakad geliyay howlgalkoodi.
Wafdiga dowladda ayaa kulan la qaatay Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisleyda, iyagoo ku dhiirrigeliyay inay door muuqda ka qaataan wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Masuuliyiintu waxay xuseen in howlgalku uu yahay mid muhiim u ah xasilloonida gobolka, islamarkaana aan la aqbali karin in cadowgu mar kale dib usoo xoogeysto.
Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Dabageed, ayaa uga digay Macawiisleyda in Al-Shabaab ay beegsan doonaan, maadaama ay horey uga adkaadeen dagaallo badan.

Horta meeshay idinka soo galaan gabar iyo wiil qof idinkama dhaafi rabaan. Soomaali kale ay col la yihiin ma jirto intuu adduunka qof idinka joogo, waayo idiinkaa dabadooda feeday, Somaliya idiinkaa tusay in leeska celin karo.” Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle
Haddii aad dagaalka la gashaan Shabaab, waxba idiinma harayaan. Waxa kaliya ee idiin furan waa inaad midnimo muujiyaan oo aad iska dhicisaan,” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.
Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Dhulka, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo lahadlaya shacabka Xalfooley shabellaha Dhexe, ayaa carrabka ku adkeeyay in howlgalka uu sii socon doono ilaa laga ciribtirayo Al-Shabaab.
Waxa uu xusay in qorshuhu yahay in la xiro xuduudaha ay gobollada Shabeellaha Dhexe la wadaagaan Hiiraan iyo Galgaduud, si looga hortago gurmadka ay Shabaab helaan.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay durba diyaariyeen cutubyo militari oo sugi doona xuduudaha, si loo yareeyo weerarrada isdaba joogga ah ee Al-Shabaab ka geysanayaan gobolka.
Tan iyo bishii February, Al-Shabaab ayaa xoojiyay weerarrada ay ku hayaan Hirshabelle, gaar ahaan Shabeellaha Dhexe, taasoo caqabad ku noqotay qorshihii ciidamada dowladda ay ku xoojinayeen sugidda amniga gobolladaasi.
Ciidamada Xoogga Dalka oo garab ka helaya Macawiisleyda iyo maamulka Hirshabelle ayaa hadda ku dadaalaya in ay xakameeyaan dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo ammaanka shacabka iyo in dagaalka lagu qaadayo cadowga uu noqdo mid guul ku dhammaada…





Wararka Ugu Aqrinta Badan.
Dowladda Soomaaliya Oo qirtay In Aan La Jarin Xiriirka Guud Ee Imaaraadka Carabta

ShareWararka24: 23-01-2026 Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aankii ay dhowaan ku burisay heshiisyada difaaca iyo amniga ee kala dhaxeeyay Imaaraadka Carabta uusan micnaheedu ahayn in la jaray xiriirka guud…
Putin Oo kulan kula yeshay Moscow ergayada Mareykanka xili habeenimo damba ah.

ShareWararka24: 23-01-2026 Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa xalay kulan saacado qaatay xili habeenimo kula yeeshay Moscow, ergayal sare oo ka socday Mareykanka, kuwaas oo wadaay qorshe uu Mareykanku diyaariyay oo…
Wilkie: Waxaan u maleynayaa putin kama tanaasuli doona arintaan ilaa uu ka dhinto

ShareHaba yaraatee kalsooni kuma qabo in Putin uu ka tanaasuli doono qodobbo muhiim ah oo ku jira wadahadalladan, ayuu yiri Robert Wilkie, oo ahaa xoghayihii hore ee maamulka Trump. “Raja…
















