Wararka24: 2-02-2026: Wararka ka imaanaya xarunta Golaha Shacabka ayaa sheegaya in isgacan-qaad toos ah oo ay kaamiradu qabatay uu saaka dhexmaray ciidamo Boolis ah iyo xildhibaanno ka tirsan Golaha, xilli ay jireen muran iyo buuq xooggan.
Xildhibaanno mucaarad ah ayaa si lama filaan ah u tagay xarunta Golaha Shacabka, tallaabadaas oo la sheegay in aysan ku qanacsaneyn Guddoonka Golaha, kaas oo la sheegay inuu diidanaa imaanshahooda kulanka maanta.
Ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyay in xildhibaanno qaarkood ay soo gaareen dhaawacyo fudud intii ay socdeen gacan-qaadyada, halka kulankii Baarlamaanka ee maanta u qorsheysnaa doodda wax ka beddelka dastuurka uusan weli furmin.
Buuq xooggan ayaa weli ka taagan xarunta Golaha Shacabka, waxaana la maqlayaa dhawaaqa firimbiga iyo is-qabqabsi socda, iyadoo xaaladdu weli tahay mid kacsan oo aan deganeyn.


















