Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Siyaasiyiin taageeray go’aankii lagu hakiyay ilaalada Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

3-02-2026:Siyaasiyiin ku sugan Muqdisho ayaa taageero u muujiyay go’aankii lagu hakiyay gelitaanka ilaalada Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo la filayay inay ka qeyb galaan shir looga hadlayay arrimaha doorashooyinka, balse dib loogu celiyay garoonka diyaaradaha.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
February 3, 2026, 9:13 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Siyaasiyiin taageeray go’aankii lagu hakiyay ilaalada Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.


Wararka24: 3-02-2026
:Siyaasiyiin ku sugan Muqdisho ayaa taageero u muujiyay go’aankii lagu hakiyay gelitaanka ilaalada Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo la filayay inay ka qeyb galaan shir looga hadlayay arrimaha doorashooyinka, balse dib loogu celiyay garoonka diyaaradaha.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay baahisay muuqaallo lagu difaacayo tallaabadaas, iyadoo la soo bandhigay masuuliyiin hore iyo kuwo xilal ka haya dowladda oo sheegay in amniga caasimadda uu yahay mid sugan, isla markaana aan loo baahnayn in hoggaamiyeyaasha kasoo qeybgala shirarka ay la yimaadaan ciidamo u gaar ah.

Farxaan Cali Axmed, Wasiiru-dowlihii hore ee Wasaaradda Amniga, ayaa sheegay in Muqdisho ay marayso marxalad amni oo wanaagsan, uuna amnigu gaaray heer aan horey loo arag. “Magaalada Muqdisho maanta maalin ay ka ammaan badan tahay nama soo marin, mana ah magaalo ilaalo loo soo kaxeysto,” ayuu yiri.

Dhanka kale, warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale baahisay hadallo ka yimid xubno ka tirsan golaha deegaanka Gobolka Banaadir, kuwaas oo sheegay in dowladda Federaalka ay xaqiijisay amniga caasimadda. Mid kamid ah xildhibaanadaas, Cabdiraxmaan Caseyr, ayaa sheegay in amniga Muqdisho yahay mid lagu kalsoonaan karo, isla markaana dowladda lagu ammaani karo dadaalka ay ka sameysay sugidda amniga.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli inta badan waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla xarumaha dowladda ay xiran yihiin, iyadoo dood ka dhalatay habka loo maareeyay amniga iyo ka qeybgalka hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ee shirarka siyaasadeed.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

13 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

14 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.