Wararka24: 8-02-2026 Ururka caalamiga ah ee saxaafadda International Press Institute (IPI) ayaa si adag u cambaareeyay dilka weriye Soomaaliyeed Abshir Khaliif Shidaane, oo dhowaan lagu dilay magaalada Kismaayo ee dowlad-goboleedka Jubbaland.
War qoraal ah oo ururku soo saaray ayaa lagu sheegay in dhacdadani ay tahay weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhan ah saxafiyiinta Soomaaliya, iyadoo ururku muujiyay walaac ku saabsan badqabka warbaahinta dalka.
Abshir Khaliif Shidaane oo 25 jir ahaa ayaa fiidkii 2-da Maarso lagu dilay magaalada Kismaayo, kadib muran kooban oo dhex maray askari boolis ah oo ku sugnaa bar-koontarool. Wararka ayaa sheegaya in askariga uu bastoolad la baxay isla markaana hal xabbad ku dhuftay weriyaha, taas oo sababtay dhimashadiisa.
Ururka IPI ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay sameyso baaritaan madax-bannaan oo dhamaystiran si loo ogaado waxa dhacay isla markaana loo helo caddaalad laguna xisaabtamo dadka ka dambeeya falalka ka dhanka ah saxafiyiinta.
Agaasimaha u doodista ee ururka IPI, Amy Brouillette, ayaa sheegtay in ururkoodu si adag u cambaareynayo toogashada weriyaha, isla markaana ay la murugoonayaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed.
Ururku wuxuu xusay in tan iyo sanadkii 2010 tobannaan saxafi lagu dilay Soomaaliya, iyadoo inta badan aan la helin caddaalad ama lala xisaabtamin dadka ka dambeeyay falalkaas.


















